Garoowe : Kulan Casho ah oo ay wada qateen Ururka MAP & Wariyaha BBC da C/nuur Sh.Maxamed Isxaaq.

Garoowe (SR): Kulankaan oo ahaa mid ay soo qabanqaabiyeen ayaa waxaa uu ka dhacay hoolka shirarka ee Hotelka Rugsan ee Magaaladda Garoowe,waxaana kazoo qaybgalay xubno ka tirsan ururka suxufiyiinta ee MAP,Wariyayaal hore oo ay C/nuur wada shaqayn jireen xilligii bari –samaadkii &Wariye C/nuur.

Ujeedooyinka kulankan cashada ah ayaa waxaa ka mid ahaa:

Socdaalka C/nuur sheikh Maxamed Isxaaq waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu la kulmo warbaahinta gudaha, madaama uu soo gaaray dalkiisa hooyo ee uu mudada dheer ka maqnaa isagoo daraasaynaya marxaladda dalka oo uusan xilli badan dalacan in looga sheekeeyo ma ahane.

Isbarasho  ka dib C/nuur waxaa si talantaali ah wariyayaashu u waydiiyeen su,aalo la xiriira xirfadda saxaafadda iyo in uu dul mar ugu sameeyo marxaladihii uu kazoo maray mihnadda saxaafadda intii uu dhex mushaxayey,waxaana uu mid mid u faahfaahiyey qaabkiisi wariyenimo  billow ilaa dhamaad.

Wariye C/nuur Shiikh waxaa uu kazoo degay Gagida dayuuradaha magaaladda Berbera waxaana uu kusoo sofray gaari Berbera ilaa Garoowe,waxaa uu sharaxay isbadalka deegaanadda uu soo maray uu kusoo arkay waxaana uu yiri “ Jidka ayaan kusoo safray markii hore fikirkii aan ka qabay dalka iyo kana an soo arkay waa wax aad u kala dheer runtii waxaana qiraya in sida wax loogu sheego bulshada qurbaha aanay wax u jirin,dhanka puntland Caasimadda uun ayaan ilaa hadda imi magaalooyinkana waa maraya isbadal horumarineed oo la taban karo ayaa ka socda dalkan ,ma cabiri karo dhulkaan sidii uu ahaa markii aan dlka ka baxay”.

Warfidiyeenadda ayuu ku booriyey in ay qayb ka yihiin horumarka xawaaraha ku socda wallow uu qiray in ay jiraan duruufo adag oo ay ku shaqaynayaan wariyayaasha soomaalida eek u sugan dalka gudihiisa hadana waxaa uu ku guubaabiyey in ay dhabar aday muujiyaan ogadaan in ay yihiin adeegayaashii bulshadaan mudada dheer kusoo jirtay marxaladda adag” Waxaa muhiim ah in aad iskaashataan ,gacmaha isqabsataan idinkaa isku mihnad ah,iska warhayn dhab ah iyo kalsooni  Caawisaana kiina liita si aad uga dhabaysaan yoolka aad higsanaysaan” Waxaa kaloo uu dhalinta ku dhiirigeliyey in ay ka sareeyaan wariyaal badan oo ka shaqeeya wakaalado caalami ah marka laga eego qabka diyaarinta warbixinaha ,Farsamadda Raadiyaha iyo adeegsiga qalabkaan casriga ah ee dhawaan soo gaaray dalka.

Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Burhan Axmed Daahir ayaa isna qaatay hadalka waxaanna uu u mahadceliyey dhamaan intii soo ajiibtay kulanka Cashada ah ee lagu soo dhaweynayey wariye C/nuur,waxaana uu sheegay in inta uu joogo wariye cabdinuur uu booqandoono xarumaha warbaahinta ee magaalooyinka Garoowe Gaalkacyo iyo Boosaaso iyadoo uu ka caawindoono wixii talooyin ah ee la xiriira shaqadda ay hayaan wariyayasha Maxaliga ah eek u sugan gudaha soomaaliya.

Listen Our daily News & programs

News Archive

November 2012
M T W T F S S
« Oct   Dec »
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA