Garoowe : Gudiga Nabadgelyadda Gobolka Nugaal & Gudiyadda Xaafada oo Garoowe ka dhacay.

xarunta-gobolka-Garoowe (SR): Magaaladda Garoowe Xarunta Maamulka Puntland waxaa lagu qabtay kulan balaran oo ay wada qateen Gudiga Nabadgelyadda Gobolka Nugaal iyo Masuuliyiinta Xaafadaha Magaaladda Garoowe.

Kulanka oo ay kasoo qaybgaleen dadweyne kala duwan ayaa waxaa lagu soo bandhigay wixiii todobaadkii hore u qabsoomay gudiga iyo isbadalka ku yimi dhanka amaanka Magaaladda iyadoo todobaadkii hore dabayaqdiisiina lagu dilay magaaladda Allaha u naxariistee Shiikh C/qaadir Nuur Faarax.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ah gudoomiyaha Gudiga amaanka Gobolka Cabdi Xirsi Cali ayaa sheegay in intii badnayd gacanta lagu dhigay kooxdii ka danbaysay iyo kuwii geystay dilka Shiikha allaha u naxariistee ,iyadoo dadaal dheer ay geliyeen dadweynaha Garoowe oo gacanta kusoo dhigay gacan ku dhiiglihii toogtay shiikha oo uu sheegay in ay halgamayaal yihiin.

Gudoomiyuhu waxaa uu sheegay in goobtii uu kasoo duulay ninka dilka gaystay ay ciidanku  kasoo bixiyeen Rasaasiyo bunbooyin ,iyadoo uu sidoo kalana xusay in gurigaas ay la wareegayso dowladda Puntland madaama buu yiri aanu xiliyo badan ka dignay ” Guriga laga kireeyo shaabka waxaan xiliyo kala duwan ku celcelinay in dadka leh lagala wareegayo iyadoo mulkiilayaashana sharciga la hotgaynayo,marka bulshadu maqalka ayey kasoo tagantahay anaguna shaqaan ka qabanaynaa meelaha noocaas oo kale ah” Gudoomiyaha Gobolka Nugaal.

Masuuliyiinta Xaafadaha Magaaladda ayaa iyana sheegay in ay kaalintooda ka qadanayaan iskaashiga iyo wada shaqaynta nabadgelyadda Magaaladda oo ay ka gaystaan door wacan,waxaana ay soo jeediyeen dhaliil ku wajahan masuuliyiinta iyo ciidanka Nabadgalyada Magaaladda oo ay shegeen in aanay ka jawaabin telephonada xiliyada ay shacaku soo diraan ee ay doonayaan in ay la socodsiyaan ciidanka wax khatar ah ama ay ka shakiyaan.

Taliyaha qaybta booliiska Gobolka ayaa isna xusay in ay dhaliilahaas wax ka jiraan balse ay wax ka qabanayaan iyadoo ay jirto buu yiri baxada magaaladda oo weyn iyo ciidanka Booliiska ah oo yar.

Intii uu socday shirku waxaa uu si weyn diiradda ku saray in la iska kaashado xoojinta iyo dardargelinta nabadgelyadda Gobolka iyo guud ahaan deegaanka Puntland iyadoo qolo kastaba ay doorka kaga adan ka qadanayso.

 

Sahan Radio

Webmaster@sahanradio.org

 

 

Listen Our daily News & programs

News Archive

February 2013
M T W T F S S
« Jan   Mar »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA