Garoowe : Hay,adda Maxaliga ah ee RDI oo qabatay Tababar lagu baranayo sida looga hortago tacadiyadda ka dhanka ah Haweenka (Sawirro).

RDIGaroowe (SR): Hay,adda Maxaliga ah ee Relief & Development Initiative (RDI)oo  kaashanaya wasaaradda Haweenka  & Horumarinta Arrimaha qoyska puntland isla markaana dhanka dhaqaalaha ay ka caawinayso Hay,adda UNDP ayaa Tababar u qabtay 4o qof oo ka kala yimi Kaamamka Barakacayasha & Bulshada Xaafadaha Garoowe,waxaana uu ka dhacay Hoolka shirarka ee Wasaaradda ee Magaaladda Garoowe.

 

Tababarka oo ay kazoo qaybgaleen Qaybaha bulshada sida Madaxda Hay,adaha iska kaashaday Barnaamijka ,Haweenka,Barakacayashada,Odayasha,Masuuliyiinta Degmadda Garoowe,Bulshada Rayidka ah iyo marti sharaf kale.

 

Waxaana looga arrinsanayey sidii meel looga istaagi RDI2lahaa tacadiyadda haweenka ka dhanka ah ee lagula dhaqmo oo ay ka midka yihiin  gudniinka gabdhaha oo ay cabasho ba,an ka muujiyeen haween weynaha kazoo qaybgalay barnaamijkaas.

Madaxa Hay’adda RDI  Cumar Irbad oo kullanka ugu horeyntii ka hadlay ayaa waxa uu sharaxay  u jeedada laga leeyahay tabarka isagoo sheegay indhibaatooyinka ugu waaweyn ee dhaqan ahaan lagu gaarsiiyo haweenka da’yarta ah  ay ka midyihiin Gudniinka fircooniga ah  oo ah caado xun oo aan meela kazoo galin diinta islaamka iyo dhaqanka soomaalida ee suuban ,isla markaana ahmiyada barnaamijku tahay sidii xal waara looga gaari lahaa Mamnuucidiisa “ RDI Waxaa howl maalmeedka ugu jira sidii ay door muhiin ah uga ciyaari lahayd sidii ay ummada uga wacyigelin lahayd dhibatada balaran ee haysata Haweenka  gaar ahaan Gudniinka Fircooni ah “, Mr, Irbad.

 

RDI8Agaasimaha guud ee wasaarada haweenka  C/qaadir Daahir ayaa isna qaatay hadalka waxaana uu u mahadceliyey Masuuliyiinta iyo Howl wadeenadda RDI oo uu sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii ay bulshada ugu hagi lahayeen wadada wanaagsan ,waxaana yiri “  dhibaatooyinka muuqda iyo ku wa qarsoon ee gudniinka fircoonigu leeyahay Waa in si wada jira ah looga hortagaa iyadoo la iska kaashanayo lana samaynayo ololayaal laga hortagayo meelaha uu ku danbeeyo gudniinka fircooniga”,Agaasimaha Wasaaradda Haweenka Puntland.

Ka qaybgalayasha Tababarkan ee  ka kala yimi kamamka IDPS yada magaaladda iyo Xaafadaha Magaaladda ayaa waxay isugu jireen Rag iyo Haween,waxaana ay xuseen in ay casharada ku dabakhidonaan xaafada ay ka yimadeen iyadoo ay bulshada uga digayaan khatarta uu leeyahay gudniinka Fircooniga ah ee lagu kaco gabdhaha soo koraya ee soomaaliyeed.

 

RDI6Madaxa Mashruucan ee Hay,adda UNDP Nasra C/qaadir Islaan  ayaana iyana sheegtay in calamku dagaal adag ka galay gudniinka fircooniga ah iyadoo wadamada Masar iyo Suudaan ay ka gudbeen dagaal ay la galeen ka dib ayna dib u fiiriyeen mowqifka cad ee ay ka tagantahay diinta islaamku iyo waliba sida Caafimaadku u tilmamay ee uu u waxyeleyo caafimaadka Haweenka.

 

 

Xaliimo C/qaadir Warsame oo ku hadlaysa magaca bulshada rayidka ah ayaa sheegtay in markii hore uu si weyn ugu baahay bulshada gudniinka fircooniga ah loona bahanyahay si loo joojiyo in wacyigelin baxad leh loo qabto ummada deegaanadda puntland.

 

RDI10Xaliimo waxaa ay ka qaybgalayasha ku boorisay in ay ka fogadaan gudniinka fircooniga ah isla markaana ay waalidiinta u sheegaan waxyeelada uu leeyahay iyo sida uu mamnuuca uga yahay bulshada dhexdeeda madaama uu yahay wax aan xiriiri la lahayn diinta islaamka ee ilaa hadda soomaalida kaliya ku dhaqanto.

Tababarka oo soconayey mudo 5 cish ah ayaa muhiimadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa bulshada wacyigeeda ku adan gudiinka fircooniga ,iyadoo xubnaha ka qaybgalayashuna ay meesha ka cadeyeen in ay culuum badan ka barteen ayna ummada ugu adeegidonaan sidii loo xakamayn lahaa Gudniinkaas.

 SAHAN RADIO

Webmaster@sahanradio.org

 

 

Listen Our daily News & programs

News Archive

February 2013
M T W T F S S
« Jan   Mar »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA