Garoowe : Shirweyne looga arrinsanayo sidii Al-shabaab Meel looga soo wada jeensan lahaa oo Garoowe ka dhacay (Sawirro).

odayasha 2

 

Garoowe (SR): Aqalka golaha wakiiladda Puntland ee Magaaladda Garoowe ayaa waxaa lagu qabtay shirweyne baxadweyn oo looga arrinsanayey sidii meel looga soo wada jeensan l,ahaa Al-shabaab,waxana kasoo qayb galay kulankaasi Culimo.mamulka Gobalka kan degmada,Cuqaal,Haween, dhalinyaro,aqoonyahano, iyo masuuliyiinta Maamulka Puntland.

haweenkaKulankaan oo qayb ka ahaa baaqyo horay uga soo baxay culimadda Soomaaliyeed oo ku aadanaa in laga hortago ficilada Al-shabaab iyo ku qaraabashada diinteena Islaamka ayaa waxaa la isku waydaarsaday su’aalo kala duwan oo xal loogu raadinayo in aan qabiil iyo siyaasad lagu salayn falalka gumaadka ah ee Al-Shab

 

Kulanka oo saacado badan socday ayaa laga soo saaray qodobo waxaana warfidyeebka u mariyey dhanbaalka ay soo sareen ka qaybagalayasha shirkan Cismaan Guureeye Kaarshe oo ku hadlayey Magaca ka qaygalayasha oo idil.

 

Qoraalka  kasoo baodayashaxay shirkii ay maanta yeesheen Cuqaasha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Gobalka Nugaal waxa uu u qornaa sidatan:

 

Shir ballaaran oo ay ka soo qaybgaleen isimada iyo culimaa’udiinka gobolka Nugaal ayaa laga soo saaray baaq looga soo horjeedo ururka Al Shabaab.

cisman

 

 

 

 

 

 

Annagoo ah:

Isimada,cuqaasha,culimada, Aqoonyahanka,siyaasiyiinta ganacsatada,haweenka iyo dhalinyarada gobolka Nugaal ee ka soo qaybgalay shirwaynaha lagaga arinsanayo ka hortaga iyo la dagaalanka kooxda habowsan ee Al shabaab waxaan cadaynanaa in aan saxiixnay kuna heshiiney arimaha soo socda.

 

1-      Anagoo mataleyna qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Nugaal waxaan meel uga soo wada jeednaa ka hortagga iyo la dagaalanka kooxda Khawaariijta ah ee Al-shabaab.

 

2-      Dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab waa qadiyad umadeed iyo waajib diini ah oo ay tahay in qof walba kaalintiisa ka qaato,sidaas darteed lama siyaasadayn karo lamina qabyaaladayn karo loomana adeegsan karo nin iska dhicin iyo nin ku xumayn.

 

3-      In loo hawlgalo sidii Soomaali loo heshiisiin lahaa Soomaaliya haday tahay qabiilooyin iyo haday tahay maamulo si aan kooxaha jaah wareersan uga dhex faa’iidaysan khilaafkooda.

 

4-      Si kooxdaas cadowga ah looga sifeeyo gobolka Nugaal,Puntland iyo dhammaan dalka Soomaaliya waxaan diyaar la nahay naf,maal iyo maskaxba, waxaana ugu baaqaynaa dadka yaga miyi iyo magaalo guda iyo dibadba inay dagaalkaas si buuxda ugu diyaar garoobaan uga qaybqaataan maskax maal iyo muruq intaba.

 

5-      Waa in Dawladda Puntland iyo shacabku si buuxda uga wada shaqeeyaan la daggaalanka kooxdaan isla markaana ay Puntland iskaashi buuxa arimahaan kala yeelataa maamulada dalka oo dhan.

 

6-      Dagaalka lagula jiro kooxda habowsan waa mid loogu danaynayo diinta iyo umada sidaas darteed,sidaas darteed cidna uma adeegsan karto la dagaalanka diinta dhibaataynta umada.

 

7-       Cidii ku lug yeelata falalka iyo danbiyada kooxda habowsan ee Al shabaab fuliso waxaa lagu qaadayaa xukunka shareecada islaamka oo aan cidana ka Eexanayn cidna u Eexanayn raali ayaana ka wada nahay xataa haday yihiin kuwa dad noogu dhow.

 

8-   Kooxdaani umada cadow ayey u wada tahay uma aha ehel iyo sokeeye midna,sidaas darteed cidna uguma doodi karto qabiil ahaan,koox ahaan iyo si kale midna.

 

9-  Qofkasta oo kooxdaas ah waa in xabsi lagu hubsado si isaga loo badbaadiyo umada sharkiisa looga badbaadiyo, ayna helaan cadaalad iyo maxkamad ku aadan fal danbiyeedka ay galeen.

 

10-  Waxaan ku baaqaynaa in la qabto shir wayne heer Puntland ah si go’aamadaani u noqdaan xeer ay dhigteen dhammaan bulshada reer Puntland shacab iyo dawlad.

 

11-  Waxaan ugu baaqaynaa maamulada Soomaaliyeed in la da dajiyo shir waynihii Soomaali uga arinsan lahayd xal u helista mushkilada kooxda Al shabaab ee ay horay u soo jeediyeen culimadu ayna aqbaleen dowladda Puntland iyo dawalada Federaalka Soomaaliya.

 

Dhamaad

 

Listen Our daily News & programs

News Archive

February 2013
M T W T F S S
« Jan   Mar »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA