Garoowe : Wasiirka Beeraha Puntland oo booqday Dhul bereedka deegaanka Gobolka Nugaal .

ggggGaroowe (SR): Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Puntland Eng.Maxamuud Xaaji Saalax iyo wafdi balaran oo uu hogaaminayo ayaa kormeer ku tagay deegaan beereedyo hoostaga gobolka Nugaal.

Wasiirka oo ay weheliyaan Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ,Ganacsato,Beeralay,Dhaqaatiir,iyo waxgarad kale ayaa gaaray goobo kala duwan oo ah meelaha sida aad ka ah uu uga baxo dalaga beeruhu ,kuwasoo ay ka midyihiin Siiga –dheer,Xamur,Shimbiraley iyo Cuun oo dhamaantood ay kazoo go,aan noocyada qadaarta ah ee loo iib geeyo Magaaladda Garoowe iyo nawaxigeeda.

Eng, Saalax ayaa socdaalkiisa ku sheegay in uu la xiriiro howlmaalmeedka wasaaradda ee caadi ah iyadoo uu darsayey xaaladda dhabta ah ee ka jirta dhulbereedka deegaanadda puntland oo uu xsay in uu ku maridoono guud ahaan dhulka ay beeruhu ku yaliin,waxaana uu sheegay in wasaaradu uga goledahay gacansiinta bulshada ku howlan horumarinta beeraha iyadoo laga taakulaynayo meelaha ay ku liitaan.

Wasiirka Beeruhu waxaa uu halkaas kulamo kula qatay qaybaha dadweynaha ee ku howlan dhul beerista iyo wax soosaarka beeraha ,waxaana uu ku booriyey in ay xooga saran sidii ay dhulka wax ugala soo bixilahayeen madaama ay beeruhu ka midyihiin waxyaalaha lafdhabarta u ah dhaqaalaha iyo noloshada bulshada.

Beeraha deegaanka uu wafdigaani gaaray ayaa waxaa ka baxa noocyo kala duwan oo dalag ah oo ay ka midyihiin Yaanyada,Saytuunka,Qaraha ,Babaayga,Liinta,Basasha,Basbaaska,Karootada,Kabashka ,Salarka IWM.

Wasiirka Beeraha ayaa bulshada beeralayda ah u balanqaday in wasaaradiiisu ay caawindoonto bilaha soo socda dhanka Tababarka shaqaalaha iyo mulkiilayaasha Beeraha iyadoo sidoo kalana loo qabandoono barnaamijyo wacyigelin ah oo ku saabsan sida loogu isticmaalo beerta Sunta Cayayaanka ka laysa oo aan inta badan shaqaaluhu tababar ku qabin ayna sababto in ay ku waxyelobaan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay wasaaradda Beeruhu booqasho kusoo kala bixiso goobo beeredyo dhaca deegaanadda Puntland wallow aanay jirin wax Horumar ah oo la taban karo oo ay ka gaysatay dhanka Beeraha .

Sahan Radio

Webmaster@sahanradio.org

Listen Our daily News & programs

News Archive

February 2013
M T W T F S S
« Jan   Mar »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA