Gudiga Amniga Gobolka Nugaal oo ka warbixiyey xaaladda Nabadgelyada Gobolka.

gudiga amniga GNGaroowe (SR): Gudiga amniga Gobolka Nugaal oo ay xubno ka yihiin Gudoomiyaha Gobolka ,Kan degmadda, Taliyaha Qaybta,Saldhiga,CID iyo xubno kale ayaa shir ku yeeshay xarunta Gobolka Nugaal waxaana ay uga hadleen qodobo ay ka midyihiin,Xoojinta nabadgelyada,Nadaafadda,Suguda amaanka Ururada siyaasadeed shirarka ay qabsanayaan iyo waxa ka qabsoomay arrimihii todobaadkii hore.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo warfidiyeenka la hadlay markii uu soo dhamaday kulankaani ayaa sheegay in amniga gobolka ay wax badan ka qabteen bilahaan isla markaana ay ku howlanyihiin sidii loo adkayn lahaa nabadgelyada iyo wada shaqaynta bulshada dhanka amaanka.

Gudoomiyuhu waxaa uu xusay in ay magaaladda ka socdaan shirar badan oo ay qabsanayaan ururada siyaasadeed ee puntland oo kulamo guud iyo kuwo gaar gaar ahba ku qabsada magaalada ayna jirto in shirarkaas ay kusoo gaban karaan shakhsiyaad usoo xaydanaya sidii ay u carqaladayn lahayeen hanaanka iyo nidaamka uu ku soconayo barnaamijka axsaabta badan ee dalka iyo dadku ay u hayamayaan,waxaana uu ugu baqay masuuliyiinta 6da urur siyaasadeed in ay la socodsiiyaan xiliyada ay qabsanayaan kulamada iyo shirarka si goobtaas amaankeeda loo sugo oo ciidan booliis ah loo geeyo.

Gudigu waxaa ay si weyn uga digeen Gaadiidka bacaha madow lagu soo dhajiyo (Persolka) oo xiliyo badan awaamiir laga soo saaray balse ay sheeg in gaadiid laydu ay ka dhaga adaygeen,waxaana ay xuseen in cidii lagu helo sharciga la horgayndoono.

Gudiga ayaa si wada jir ah bulshada ugu baaqay in ay dhinacooda xoojiyaan sidii la isaga kashan lahaa ilaalinta nabadgelyada Gobolka iyo guud ahaan deegaanada Puntland si loo gaaro Horumar iyo iskaashi dhab ah.

Sahan Radio

Webmaster@sahanradio.org

Listen Our daily News & programs

News Archive

February 2013
M T W T F S S
« Jan   Mar »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA