TACSI – MARXUUM CABDULQAADIR NUUR FAARAX

TACSI – MARXUUM CABDULQAADIR NUUR FAARAX
(راج عون ال يه وان ا لله ان ا )
Waxay Dallada Ururrada Bulshada Rayidka ah ee PUNSAA iyadoo ku hadlaysa afka dhammaan bahda bulshada (dhallinyarada, haweenka, duqayda/nabadoonada, ganacsatada, ururrada maxalliga, xirfadleyda iyo warbaahinta) halkan tacsi tiiraanyo leh uga diraysaa dhammaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii ALLAAH ha u naxariistee Marxuum Cabdulqaadir Nuur Faarax, oo gacan ka xaqdaran ay ku dishay Masjidka Badar Salaadii Casar maalinimadii shalay, Jimce Febraayo 15, 2013.
Waxaan leenahay Marxuumku wuxuu ahaa sheekh Soomaaliyeed, ummadda Soomaaliyeed diinka baray, ku sifoobay wanaag-farid iyo xuma-ka-reebid, jeclaa kana shaqeeyey nabadgelyada, xasiloonida iyo ku hagida bulshada tubta saxan ee ku dhaqanka Sunnada Nabigeena (NNKH) iyo Qur’aanka Kariimka; run ahaantiina dilkii loo geystay uu ahaa mid fool xun, naxdin weyna u geystay dhammaan bulshada Puntland iyo Soomaaliyaba.
Waxaan EEBAHA WEYN uga baryeynaa Marxuumka jannadiisii Fardowza iyo inuu harsado Carshiga ALLAAH maalinta dambe.
Waxaan leenahay dhammaan qoyskii, qaraabadii, iyo asxaabtii Marxuumka, “Samir iyo iimaan ALLAAH ha idinka siiyo, kama uu bixin idinka oo kaliya, laakiin waxa uu ka baxay dhammaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto”.
ALLAAH HA U NAXARIISTO MARXUUMKA, BEDELKIISA OO KHEYR BADANNA HA SIIYO BULSHADA ISLAAMKA AH EE SOOMAALIYEED.
Maamulka PUNSAAA

 

Listen Our daily News & programs

News Archive

February 2013
M T W T F S S
« Jan   Mar »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA