Boosaaso: 110 Arday oo dhamaystay Qu,aanka Kariimka ah ayaa shahadooyin la gudoonsiiyey.

QuraanBosaso (SR): Munaasibad Shahaado sharaf la gudoonsiinayo kudhawaad arday gaaraysa boqol iyo Toban baratayna xifdinta qur,aanka kariimka ah waxna kabartay madarasada Daarul qur,aan ayaa waxa ay kadhacday magaalada Boosaaso .

Xafladaan ayaa ahayd mid ay kasoo qayb galeen masuuliyiin kala duwan,marti sharaf,ardayda waxkabarata madarsadaasi iyo waliba maamulka iyo macalimiinta madarasadaasi .

Furitaanka aayadaha qur,aanka kariimka ah kadib waxa munaasibadaasi kahadlay maamulaha iskuulkaasi Shiikh Maxamed Cali{Yaqle} waxana uu dhamaan umahadceliyay kasoo qayb galayaashi xafladaasi

”Xafladaan aynu ufadhino waxa weeye waa arday shahaadadi xifdil qur,aanka  kariimka ah tiradooduna ay tahay 110 arday,iyadoo awalba sanadla ahayd  oo sanadksta laqabto ayaa xafladani hada waxa ay tahay inta dhamaysay ,madarasadaan wax la,asaasay 1-09-2002 iskuulkaan waxyaabo gaar ah oo uu kaga duwan yahay iskulada kale ayaa jira waxana kamid ah in madarasado ay isugu jirto dugsi qur,aan iyo waliba waxbarashada aasaasiga ah ,,Sidaasi waxaa yiri maaulaha iskuulka

Sheekh Xuseen cumar waxa uu kamid ahaa waalidiinti kahadashay madashaasi waxana uu dhamaan ardaydii lagu doonsiinayay shahaadooyinka kula dardaarmay inay noqdaan kuwo iyaguna uga faa iideeya jiilka kale ee kadambeeya ee iyana uhanqal taagaya barashada qur,aanka kariim ka ah  .

”Ilaahay waxaanu kabaryayna in qur,aanka noo kobciyo,in uu qur,aanka noo fududeeyo,in uu qur,aanka najeclaysiiyo,il maheena iyo inaga oo dhan waxaan ilaahay kabaryayna walaal iyo sxb wanaagsan inuu qur,aanka alle inooga dhigo ayaan alle kabaryaynaa’’Sidaasi wax yiri sheekh faarax cajab oo ku hadlayay mu,asasada al minhaaj.

Gabagabadii xafladaasi waxa shahaadooyin lagu doonsiiyay dhamaanba ardaydi baratay xifdinta qur,aanka kariimka ah kana baratay madarasada daarul,qur,aan waxana ay ahaayeen ardaydaasi kuwo wajiyadooda laga dheehan karay farxad iyo rayn rayn .

Sahan Radio

Webmaster@radiosahan.org

Source: Calanka

Listen Our daily News & programs

News Archive

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA