Boosaaso : 150-qoys oo Barakacayaal ah ayaa Guryo cusub looga dhisay Bariga Magaaladda Boosaaso.

idpsBoosaaso (SR) : 150 qoys oo qayb ka ah barakacayaasha ku nool Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa guryo looga dhisay duleedka magaaladda .

Guryahan Cusub oo ka samaysan Jiingado ayaa la filayaa in ay horseed u noqdaan in dadka Barakacayaasha ah ay ka raystaan Goobihii ay horay u dagnaayeen oo ka samaysnaa Cooshado iyo qoryo,kuwaasi oo inta badan  uu Dab ka kici jiray.

Dhaqaalaha ku baxay Kaamkan  cusub  ayaa waxaa bixiyay hay’ado hoos taga Jimciyada Qurumaha ka dhaxaysa,xilli Guryo kuwan dhigooda ah ay hay’adaha caalamiga ah horay uga fuliyeen magaalada Bosaso.

Qaar ka mid ah Barakacayaasha ayaa sheegay in aad ugu farax-san yihiin talaabada hay’adaha Caalamig ah ugu dhiseen Guryahan cusub.

In kasta oo qaar ka mid ah Qosaska Barakacayaasha ah ay ka faa’iidaysteen Guryahan cusub,hadana waxa ay codsanayaan in hay’adaha Caalamiga ah & Maamulka Puntland aanay  hakad galin taageerada ay u fidinayaan Barakacayaasha waxna looga qabto dhanka wax barashda’Caafimaadka,Biyaha iyo Quudinta.

Khaliif Ismaaciil waa Guddoomiyaha shirkadda Tawakal ee fulinaysa dhismahan waxana uu sheegay in ay rajaynayaan in ay dhowaan soo afmeeri doonaan dhimayaashan.

Magaaladda Boosaaso ayaa waxaa ay ka midtahay magaalooyinka waaweyn ee deegaanadda puntland ee ay sida aad ka ah ugu noolyihiin barakacayashu,waxaana si weyn ugu howlan sidii loo dardargelin lahaa adeegyadooda Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kaashanaysa Hay,adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah ee Puntland ka howlgala.

Sahan Radio

Webmaster@sahanradio.org

 

Listen Our daily News & programs

News Archive

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA