Boosaaso: Taleefanka shirkadda Golis oo nambar dheeraad ah lagu kordhiyay.

GOLISGaroowe (SR): Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis Telcom Somalia ayaa maanta shaacisay nambar dheeraad ah oo lagu soo kordhiyay furaha taleefanka shirkadda ee gudaha iyo dibadda , taasi oo noqonaysa nambarka 7.

Munaasbad maanta kadhacday xarunta shirkadda Golis ee Bosaso  ayaa lagu shaaciyay in nambar dheeraad ah lagu soo kordhiyay taleefanka shirkadu ay bixiso.

Kuxigeenka maareyaha Guud ee Golis Saciid Aadan Axmed oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay isbedelka nambar inay shirkadda uga dan leedahay balaarinta adeega taleefan ay u baahanyihiin macaasha shirkada.

Saciid Aadan Kuxigeenka Maareeyaha Golis “Halkii nambarada  gudaha ay ahaayeen lix nambar waxaa laga dhigay todobo nambar, waxaa lagu siyaadiyay nambar todobaad oo noqonaya 7  oo ka hormaraya nambarkasta”ayuu yiri Siciid Aadan Axmed.

Madaxa hogaanka ganacsiga ee shirkadda Golis Cumar Ciise Maxamed Faaruuq oo ka hadlay munaasabada ayaa ku bogaadiyay macaamiisha shirkadda inay la qabsadaan isticmaalka taleefanka shirkadda.

Hogaanka Ganacsiga Golis Cumar Faaruuq Waxaa uu sheegay inay muuqanayso inay kobakacayaan macaasha shirkada , dadwaynaha iyo dalkuba taasina ay aad ugu faraxsanyihiin, sidoo kale inta dadku la qabsanayaan adeeggan waxaa dadka dibadda jooga saxaya kumbiyuutarka oo sheegaya lambarka lagu kordhiyay sidoo kalena internetyada iyo qalabka kale ee warbaahinta ay kala socon doonaan.

Kordhinta nambarka 7 ee shirkadda ayaa si rasmi ah u hirgalaya -ka bishan oo ku beegan maalinta berry,Furaha dibadda ayaa noqonaya 00252907 , halka gudahana nambarka caadiga laga hormarsiin doono 7 .

Shirkadda Golis oo ah shirkadda ugu balaaran ee adeegyadeedu bulshada ay aad u isticmaalaan, ayaa ahayd shirkadii ugu horaysay ee gobolada Puntland keenta taleefanada gancanta Mobile-ka.

Sahan Radio

Webmaster@radiosahan.org

Listen Our daily News & programs

News Archive

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA