Bosaso:Seychelles oo Puntland ku wareejisay Burcadbadeed Xukuman.

burcad xumanMagaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxaa lagu wadaa in saacadaha soo adan lasoo gaarsiiyo 9 ka mid ah dhalinyarada soomaalida ee Burcadbadeednimada ugu xukunaa Seychelles.

Agaasimaha Ladagalanka Burcadbadeeda ee Puntland C/risaaq Maxamed Dirir ayaa  Sahan Radio u xaqiijiyey in 3da maalmood ee maanta ugu horeyso  puntland la keenidoono burcadbadeed lagu xukumay Seychelles kuwasoo xukunkooda ku dhamaysandoono Xabsiyadda Puntland .

Agaasime Ducaysane waxaa uu shaaca ka qaaday in puntland ay balanqaday in maxabiista soomaalida ah ee Calamka ku xiran ay aqbashay in ay dalka gudihiisa xariga ku dhamaystaan iyadoo puntland ay tahay meel ka mid ah soomaaliya oo ay ka jirto deganaansho,waxaa uu sidoo kale sheegay in maanta Boosaaso la keenayo 9 kii ugu horeyey kooxdan ,Taladadana 8 iyadoo Maanta Arbacadana la filayo in la keeno 8 kale.

Burcadbadeeda soomaalida ah ayaa ku xiran daafaha Caalamka waxaana dadaal dheer ay puntland u gashay sidii xabsiga ay ugu qadan lahayeen Deegaanada puntland oo iminka laga dhisay xabsiyo waaweyn oo ku haboon Maxbuuska.

Faahfaahinta Warka la xiriira Burcadbadeeda iyo habka puntland ula wareegayso kala soco Sahan Radio.

 Sahan Radio
Webmaster@sahanradio
Listen Our daily News & programs

News Archive

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA