Garoowe : 70 Xubnood oo noqonaya Wakiiladda Goboladda Gudiga Doorashooyinka oo shaqada loo dhaariyey (Sawirro).

w dharGaroowe (SR): Xubnahaa oo ah kuwao dhawaan loo qaatay in ay noqdaan wakiiladda gudiga doorashooyinka Puntland  ee Goboladda Sanaag,Karkaar,Bari iyo Hyland ayaa si rasmi ah loogu dhaariyey shaqada loo igmandoono.

Waxaana maanta Hoolka shirarka hotel Rugsan ee magaalada Garowe lagu soo xiray  tababar saddexdii maalmood ee la soo dhaafay u socdey 70 ka mid wakiiladaas.

Xubnahan oo ka koobnaa mid saddex heer gobol ah iyo saddex heer degmo ah deegaankiiba  ayaa waxa loo sharxayey maalmihii la soo dhaafay shaqooyinkooda ,waajibaadka saaran iyo sidii ay masuuliyad iskaga saari lahaayeen hawlaha loo ikmaday ayna ugu horooyso arrimaha doorashooyinka.

gud tpecGudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre ayaa soo xirey tababarkan ,waxana uu kula dardaarmay inay daacadnimo iyo hufnaan u gutaan shaqadooda islamar kaasina dhowraan dhaarta ay mareen iyadoo la ilaalinayo cadaaladda iyo kalsoonida loogu dhiibay xilka ummadda ,Waxaa kaloo uu sheegay hanaanka puntland ay higsanayso uu yahay mid rajo wayn laga qabo “ Sidaa ogtihiin waxaan u dharanay inaan daacad iyo hor ilaahay ugu adeegayno hanaanka geedi socodka ee ummadda Puntland higsanayso”,Maxamed Xasan Barre.

 

w

 

 

Gudoomiyaha TPEC ayaa sidoo kale shaaciyey in Todobaadka inagu soo adan ay tababarka galidoonaan Xubnaha Wakiiladda Gudiga Doorashooyinka ee Goboladda Mudug,Nugaal,Sool & Cayn.

 

 

Sahan Radio

Webmaster@sahanradio.org

Listen Our daily News & programs

News Archive

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA