Garoowe : Barlamaanka Puntland oo yeeshay Fadhi aan Caadi ahayn,kana doodidoona Qodobada ay isku mariwayeen TPEC & Ururada Siyaasadda Puntland.

faroleGaroowe (SR): Golaha wakiiladda Puntland ayaa galay kulan aan caadi ahayn oo ka baxsan fadhiyada caadiyan ay galaan baarlamaanku,kaasi ay ugadoodidonaan Qodobada ay soo gudbiyeen Gudiga kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ee la xiriira Nidaamka Doorashooyinka Golayasha degaanadda Puntland.

Gudiga doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa golaha xukuumadda horgeeyey xeerka iyo qodobada u bahan in wax ka badal lagu sameeyo,waxaana dood ka dib u gacan tagay golaha wasiiradda Puntland oo markaana u gudbiyey Golaha wakiilada oo ka galay fadhigaan aan caadiga ahayn ee Maanta.

Fadhigaan oo uu gudoominayey Gudoomiyaha Golaha wakiilada Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madaxweynaha Puntland iyo xubno ka tirsan Xukuumadda ,waxaana hadal kooban furitaankii ka jeediyey Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ,waxaana uu golaha ku booriyey in ay dibu eegis ku sameyaan xeerkan oo ay soo gudbiyeen gudiga TPEC iyadoo xukuumaduna soo ansixisay  ” Xeerkaan waxaanu idiin ku keenay in aad ka barandagtaan oo fiirisaan,xeerkani kitaab qur,aan ah ma ahan waa wax la badali karo waxna lagu dari karo ,markaa waxaa loo bahanyahay in  ka saartaan wixii aan la jaanqaadi karin hanaanka doorashooyinka Golaha deegaanadda iyo guud ahaan hanaanka geedi socodka dimoqradiyeynta Puntland,wixii aan lagu shaqayn karin ee u bahan in howsha wixii hor istagaya laga saaro ayaa muhiimadu tahay”Madaxweyne Faroole.

Madaxweynuhu waxaa uu sheegay in gudiga kumeelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland ay soo gudbiyeen qodobo aan la jaanqaadi karin hanaanka geedi socodka ee ay ugu soo horeyaan doorashooyinka golayaasha deegaanadda Puntland ee dhawaan lagu wado in la hirgeliyo.

Madaxweyne Faroole waxaa uu dhanka kale warbixin kooban ka siiyey golaha wakiiladda wafdigii dowladda Faderalka Soomaaliya ee dhawaan Puntland soo gaaray iyo wixii ay kawada hadleen,waxaana uu sheegay in ay wax badan kawada hadleen ayna intooda badan isla qateen .

Fadhiga Maanta ay yesheen golaha barlamaanka Puntland ee ay kaga doodidonaan qodobada xeerka ay soo gudbiyeen Gudiga Kumeelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa waxaa si weyn uga horyimi 5 urur o ka mid ah lixda urur siyaasadeed ee Puntland ,waxaana ay kulamo iyo shirar badan ka galeen arinta Gudiga TPEC wallow aanay isla meeldhigin waxyaalhii lagu muransanaa ee ay ka midyihiin,Tiro koobka bulshada puntland,iyo helitaanka ducmentiga diiwaangelinta iyo aqoonsiga Codeyaha iyo waliba dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka oo aan wali la dhisin.

Lamaoga waxa ay soo saaridonaan Golaha wakiiladu waxaase jirta in ay dood badani ka dhicidoonto xeerkan inta ay ku guda jiraan golaha wakiiladda Puntland.

Sahan Radio

Webmaster@radiosahan.org

Listen Our daily News & programs

News Archive

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA