Garoowe : Golaha wakiiladda Puntland oo Maalintii Sadexaad ka doodaya qodobo ay usoo gudbiyeen Gudiga TPEC.

Garoowe (SR): Baarlamaanka ayaa waxaa ay dood kulul ka yeesheen sidii ay wax kabadal ugu samayn  lahayeen Xeerka lasoo hordhigay ee Doorashooyinka Golayasha deegaanadda Puntland,waxaana ka mid ah qodobada ay ka doodayaan.

QODOBKA 3AAD

SHURUUDAHA LAGA RABO COD-BIXIYAHA

Sida ugu qoran yahay xeerka 3.1. Waa inuu yahay muwaadin Punland oo leh warqadda aqoonsiga ee

doorashada.

Waxaa loo badalay sidan

3.1. Waa inuu yahay muwaadin Punlandi ah

QODOBKA

4AAD

XUQUUQDA CODBIXIYAHA.

Siduu ugu qoran yahay xeerka. 4.1. Marka la sameeyo diwaanka cod bixiyaasha ee sharciga ah, cod bixiyuhu wuxuu codkiisa ka bixinayaa goobta cod bixinta ee u

gu dhow maalinta doorashadda.

waxaa loo badalay sidatan.

4.1. C

Cod bixiyuhu wuxuu codkiisa ka bixinayaa goobta cod bixinta ee uu joogo maalinta doorashada, marka laga diiwaan geliyo goobta lana hubiyo inuu yahay

Puntlandi.

QODOBKA 9AAD

XAFIISKA GOOBTA CODBI

XINTA.

Siduu ugu qoran yahay xeerka 9.2.Hadii loo baahdo arin deg deg ah timaado ayadoo codbixintu socoto hubiye ama xoghaynta waxaa badali kara gudoomiyaha goobta codbixinta wuxuuna ku

badali kara qofkii u tobobaran howshaas ee keed ahaa

waxaa loo badalaya qodobka sidatan.

9.2.Hadii arin deg deg ah timaado iyadoo codbixintu socoto,

loona baahdo in shaqada laga joojiyo hubiyaha ama xoghaynta waxaa awooda

shaqo ka joojinta leh gudoomiyaha goobta cod bixinta.

QODOBKA 12AAD

AWOODAHA XAFIISKA DHEXE EEE DOORASHOOYINKA .

Siduu ugu qoran yahay xeerka.

12.6. In uu tilmaamo awoodiisa sharci ee la xiriira arimaha doorashooyinka,xalinta muranada,

garsoorida xuquuqda iyo ganaaxa qof kasta oo ku xad gudba xeerka doorashada

Waxaa loo badalay sidatan.

Awoodaha xafiiska dhexe oo doorashooyinka waa 12.6. Xalinta khilaafaadka ururada siyaasada dhexdooda iyo khilaafadka kayimaada arimaha doorashadda waxaa xafiiska dhexe ee dooroshooyinku u

wakiilan karaa xafiisyada dooroshooyinka ee heer Gobol/Degmo ama goobta codbixinta.

QODOBKA 18AAD

Siduu u qoran yahay xeerka.

18.1.

Astaamaha liiska musharaxiinta ee ururada/xisbiyadda ka muuqda waa inay

kala duwanaadaan marka lasoo bandhigo.

Dhamaantiis qodobka waa laga saaray.

 

QODOBKA 20AAD

DEEBAAJI Siduu ugu qoran yahay xeerka Musharaxiinta golayaasha deegaanka wuxuu midkiiba bixinyaa debaaaji aan celis

lahayn oo dhan Sh. So 10,000,000 (Toban Milyan ) waxaana lagu shubayaa Bangiga Dhexe ee Dowladda Puntland.

W axaa loo badalay sidatan

Musharaxiinta Goloyaasha degaanka wuxu midkiiba bixinayaa lacag debaaji ah oo

dhan Sh. So.3,000,000(3 Milyan) celisna lahayn, waxaana lagu shubayaa xisaabta

Guddiga Doorashooyinka KMG uga furan Bangiga Dowladda Puntland.

 

QODOBKA 22AAD

SHEEGIDA LIISKA MUSHARAXIINTA

Siduu ugu qoran yahay xeerka.

Guddiga iyo xafiisyadiisu waa inay 30 maalmood ka hor taariikhda codbixinta ku

dhajiyaan liiska musharaxiinta degmadda goobo fagaarayaal ah boorar ka ogaysiiska,xafiisyadda dowlaha hoose, waana in laga sheego idaacadaha laguna

baahiyo wergeysyada.

Waxaa loo badalay sidatan.

Guddiga iyo xafiisyadiisu waa inay 26 maalmood ka hor taarikhda codbixinta ku dhajiyaan liiska musharaxiinta degmadda goobo fagaarayaal ah, boorarka ogaysiiska,xafiisyadda dowlaha hoose, waana in laga sheego idaacadaha laguna baahiyo wargeysyadda.

QODOBKA 23AAD

OLALAHA DOORASHOOYINKA

Siduu u qoran yahay xeerka.

23.1. Muddada olalaha doorashooyinka waxay ay soconaysa 30 maalmood ka hor maalinta cod bixinta.

Waxaa loo badalay sidatan.

23.1. Muddada ololaha doorashooyinku waxay soconaysaa 24 maalmood waxayna joogsanaysaa 48 saacadood ka hor maalinta doorashadda.

Sahan Radio

Webmaster@radiosahan.org

Listen Our daily News & programs

News Archive

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA