Garoowe : Kulan lagu dardargelinayo ololaha Wadada isku xirta Wadaagsin &Garacad oo Garoowe lagu qabtay (Sawirro).

 

wado2Garowe(SR): Kulankaan oo ahaa mid loogu qaremayo dhismaha  ka socda Wadada isku xirta Wadaagsin & deegaanka Xeebta Garacad ee Degmadda Jariiban ayaa lagu qabtay Magaaladda Garoowe ee Xarunta Puntland.

 

Kulanka oo ka furmay Hotelka rugsan ee magaalada Garowe ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubno farabadan oo ka koobnaa Maamulka gobolka Mudug, Xubno ka tirsan golaha Wasiirada ee Puntland, Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Puntland qaarkood, Ganacsatada,
Odayaasha dhaqanka sida Nabadoonada iyo Salaadiinta, Dhalinyarada, Qurbajoogta iyo Aqoonyahanka ku sugan magaalada Garowe ee ka soo jeeda gobolka Mudug, waxaana aad looga wada hadlay halka uu marayo dadaalka dhismaha ee wadada Wadaagsin iyo kaalinta bulshada gobolka uga adan ka qayb qaashada dhimsha wadadan.

tigey

Furitaankii shirkan waxaa ugu horayn ka hadlay guddoomiyaha gobolka
Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo si qoto dheer uga warbixiyay
xaalada gobolka Mudug iyo halka ay marayso dhismaha wadada Wadaagsin
ee isku xirta Gaalkacyo iyo Garacad oo qiyaastii 109km ah, wuxuuna
guddoomiyuhu carabaabay in dhismaha wadadan uu meel wanagsan marayo,
rajo fiican oo in la dhamaystiro ahna ay ka muuqato.

Guddoomiyuhu wuxuu warbixintiisani ku sheegay in wax wayn laga qabtay
kaabayaasha magaalada gaalkacyo iyo meelo badan oo gobolka ka mid ah
islamarkaana gudaha magaalada gaalkacyo laga dhisay Wadooyin dhawr ah
sidoo kalana dayactir lagu sameeyay wadada laamiga ah oo burbur uu ka
muuqday mudo badan.

Gudoomiyuhu wuxuu carabaabay in sidoo kale la hirgaliyay si
wanaagsanna loo dhisayay wadooyin dhawr ah oo isku xira magaalooyinka
gobolka Mudug.

wado3Arrintani wuxuu guddoomiyuhu ku tilmaamay mid bulshada gobolka Mudug
ku dhalisay hididiilo iyo rajo wanaagsan oo la xiriira in wax badan la
qaban karo hadii bulshadu ay isku tashato, wuxuuna aad ugu soo
celceliyay in bulshada gobolka Mudug ay ku baraarugtay in kaabayaasha
dhaqaalaha iyo goobaha bulshada ka dhaxeeya laga wada qayb qaato
horumarintooda.

Gudoomiye tigey wuxuu sheegay in wadada wadaagsin uu si toos ah uga
socdo dhismaha islamarkaana ilaa hada la dhamaystiray 50km oo ah
Gaalkacyo ilaa Ceelbardaale, dhismaha wadadanna uu ku socdo qaab iskaa
wax u qabso ah oo bulshada gobolku ay isku waafaqeen, Jariiban iyo
Labilamaanana ay hawshan dhismaha wadada ah ka socoto.

Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey wuxuu kaloo aad uga hadlay sida bulshadu
ay uga qayb qaadanayso hawshan iskaa wax u qabsada ah ee lagu dhisayo
wadada Wadaagsin wuxuuna sheegay in 9 Tuulo oo ah inta u dhaxaysa
Gaalkacyo iyo Buubi ay mareen wafdiga ka kooban guddiga isku xilqaamay
dhismaha wadadan iyo arrurinta tabarucaadka ay bulshadu uga qayb
qaadanayso dhismaha wadadan islamarkaana 4 Tuulo oo ka mid ah iyo
miyigooda ay iska aruuriyeen ilaa 700 oo Neef oo Ari ah oo qiyaastii u
dhiganta ilaa $ 40,000.

wadoGudoomiye tiegay wuxuu sheegay in sidoo kale dadaalkani ay wadaan oo
loo dhisay guddi 15 xubnood ka kooban oo ka shaqaynaya kaabayaasha
gobolka Mudug.

“waxaa loo baahanyahay Miyi iyo Magaalo, Ganacsto iyo Qurbajoog iyo
dhamaan bulshadu in ay hawshan ka wada qayb qaataan, qofkii qalab
haya, Qofkii talo haya, qofkii dhaqaale haya, qofkii caqli haya
dhamaan ha kaga qayb qaato awoodiisa, yuusan la bakhaylin, qof walba
oo hawshan qayb ka qaatana taariikhd aayaa bari xusaysa” ayuu yiri
guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey.

Gudomiye Tigey iyo wafdiga uu horkacayey oo dhawaan Gaalkacyo ka
yimid ayaa shirkan soo qaban qaabiayay waxayna si cilmiyaysan u soo bandhigeen dhammaan shaqoooyinkii laga qabtay intii dhismaha qaybta hore ee wadadan uu socday iyo halka ay hada wax marayaan.

 

wado4Ka qaybgalayaasha kulankaan ayaa hoosta ka xariiqay in ay kaalin mugle ka gaysanayaan dhismaha wadada isku xirta Garacad iyo Wadaagsin ee Gobolka Mudug,waxaanala isla qaatay in dhismahaani faaiidooyinkiisa ay mar horeba ogadeen bulshada deeganku,madaama xilligii socdaalka wadadu soo wanaagsanaday.

 

Dadaalka wadadan ayaa waxaa iska kaashanaya Maamulka Gobolka Mudug Ganacsatadii gobolka, Aqoonyahankii gobolka, Dhalinyaradii gobolka, Xirfadlaydii gobolka sida Kaluumaystada,  reer miyigii iyo reer magaalkii gobolka iyo dhamaan qaybihii kala duwanaa ee bulshada gobolka Mudug.

oday

 

Barnaamijkan loogu qareemayo dhismaha wadada ayaa si weyn wax uga badalay bulshada deegaanka waxaana ay ka qaybgalayashu balanqadeen in ay gacan mugle ka gaysandonaan  sidii loo xoojin lahaa qorshaha dhismahaan iyo guud ahaan Horumarinta deegaanka .

 

 

Sahan Radio

Webmaster@sahanradio.org

Listen Our daily News & programs

News Archive

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA