Garoowe: Raisal Wasaaraha Dowladda Faderalka Soomaaliya oo Garoowe kusoo wajahan.

tttGaroowe (SR): Raisal Wasaaraha Dowladda Faderalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)  iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in ay kasoo socdalaan Magaaladda Muqdisho ee Xarunta Gobolka Banaadir ,waxaana ay usoo kicitimayaan Magaalo Madaxda Puntland ee Garoowe.

Wafdiga ayaa waxaa lagu wadaa in ay kulan la qataan Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo masuuliyiinta kale ee Maamulka Puntland ,lama shaacin arrimaha sida gaar aha ay diiradda ku saaridonaan kulankooda.

Wararka hoose ee ay helayaan howlwadeenadda Sahanradio ayaa sheegaya in Masuuliyiintu ay ka wada hadlidonaan qodobo ay ugu muhiimsanyihiin.

1. Nidaamka Faderalismka ee soomaaliya

2. Arrimaha Maamul u samaynta Jubooyinka iyo Gedo oo dowladda Faderalka lagu edaynayo in ay lugaha ku dheganyihiin.

3. Cunaqabataynta Hubka ee Soomaaliya iyo sida uu noqonayo .

4. Nabadgelyadda iyo xiriirka wada shaqayneed ee Puntland iyo Faderalka .

5. iyo Wax kabadalka baarlamaanku iclamiyey ee Dastuurka qaybta Faderalka .

Wixii kasoo kordha imaanshaha Wafdiga iyo kulamada ay galaan Madaxdu  waxaa kasoo baxa kala soco Sahan Radio.

 

 

Listen Our daily News & programs

News Archive

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA