Garoowe : SFS oo Tababar u furtay Qaar ka ka mid ah Haweenka Barakacayaasha ah ee Garoowe (Sawirro).

DSC04330Garoowe (SR): Hay,adda Somali Family Services oo kashanaysa Hay,adda ay bahwadaagta yihiin ee UNHCR & Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer miyiga Puntland ayaa tababar u qabatay 35 Haween ah oo ka tirsan dadka barakacayaasha ah eek u nool Magaaladda Garoowe ee Xarunta Puntland.

 

Tababarkaan oo qayb ka ah barnaamijka Barakacayasha ee ay iska kaashadeen Hay,adaha UNCHR & SFS ayaa galay wajigii labaad,waxaana wajigii kowaad la tababar 100 qof oo baranayey Xirfadaha

  1. Dhar tolidda & Kalarayntiisa
  2. Cilaan Saarka & Qurxinta Haweenka
  3. Barashada Computerka iyo Xisabaadka
  4. Iyo Makaanikadda Gaadiidka

Haweenkan ayaa ka mid ah dadka bartay xirfadahaas ee shahaadooyinka la gudoonsiiyey ,waxaana iminka la barayaa Xeelado ay ku shaqaystaan iyadoo marka ay tababarada dhamaystaana la gudoonsiindoono Lacago ay ku furtaan Ganacsiyo yar-yar.

DSC04333

 

Tababarka Maanta oo ka furmay Hoolka Sare ee Libraryga Puntland ee Magaaladda Garoowe ayaa waxaa kazoo qaybgalay Sarakiisha Hay,adda UNHCR,Howlwadeenadda SFS,Masuuliyiinta Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo ka qaybgalayaasha Tabababarkan.

DSC04352

 

 

 

Bashiir Ibraahim Jaamac oo ah Madaxa Mashariicda Waxbarashada & Barakacayasha (IDPS) ee Hay,adda Somali Family Services ayaa ugu horeyn sharaxay ujeedka Tababarkan waxaana uu sheegay in uu dabasocdo Tababaro hore oo wajigii kowaad ee Mashruucan lagu bixiyey xirfado lixbilood soconayey ,isla markaana gabdhahani yihiin  kuwii shahaadadaka qaatay xirfadahaas Gacanta.

DSC04337Bashiir waxaa uu sheegay in qaybtaan lagu baranayo qaabka ganacsiga ,Sida loo bilaabo Ganacsiyo yaryar,waxaana uu shaaca ka qaaday in marka ay dhamaystaan tababarada lasiindoono Lacag ay ugu deeqday Hay,adda UNHCR oo la doonayo in ay ku furtaan Goobo Ganacsi oo ay leeyihiin kana soo saarsadaan Nolol Maalmeedkooda.

 

Madaxa UNHCR ee Garoowe  Maxamed Saalax oo isna ka hadlay furitaanka Tababarka ayaa sheegay in Hay,adiisu ku howlantahay sidii loo Baddaadin lahaa loona Caawin lahaa bulshada soo barakacday iyadoo laga xoojinayo dhanka dhaqaalaha iyadoo loo abuurayo shaqooyin yaryar oo ay ka helaan nolosha qoyska.

DSC04348Maxamed Saalax waxaa uu ka qaybgalayaasha ku booriyey in ay ka faaiidaystaan tababarka si ay ugu dabakhaan Ganacsiga ay furandonaan,waxaa uu sidoo kale la dardarmay  fududeeyayaasha tababarka oo uu ku dhiirigeliyey in ay sida ugu haboon u baraan casharada ka qaybgalayasha Madaama ay qaarkood yihiin dad aan hore iskuul u soo marin,iyadoo lagu darayo tababarka qaybta Gacanta laga shaqaynayo (Practical Lessons).

 

Tababarka oo soconona Labo Cisho ayaa waxaa si rasmi ah u furay C/waaxid Abshir Ibraahim oo ka mid ah Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Puntland,waxaana uu u Mahadceliyey SFS & UNHCR oo uu sheegay in ay ku howlanyihiin sidii loo kobcin lahaa Garaadka iyo dhaqaalaha Bulshada Barakacayaasha ah eek u nool deegaanada Puntland Gaar ahaan Magaaladda Gagroowe.

C/waaxid waxaa uu sidoo kale sheegay wasaaradu diyaar u tahay wax kasta oo lagu horumarinayo bulshada deegaanka iyo Barakacayaasha soomaaliyeed .

 

Sahan Radio

Webmaster@radiosahan.org

Listen Our daily News & programs

News Archive

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA