Garoowe : SFS oo Wasaaradda Waxbarashada ku wareejisay Iskuul ay ka dhiseen Balley (Sawirro).

 

xir

Garoowe (SR): Hay,adda Somali Family Services ayaa wasaaradda Waxbarashada ku warejisay dhisme ka kooban 2 Fasal,Xafiis iyo labo Musqulood oo ay ka hirgalisay Xaafadda Balley ee Magaalada Garoowe.

Munasabada ayaa waxaa kazoo qaybgalay Wasiirka Waxbarashada ,Gudoomiyaha Gobolka Nugaal,Gudoomiyaha Waxbarashada,Duqa Degmadda ,Sarakiisha SFS,Bulshada ku dhaqan xaafadda Balley ,Ardayda,Waalidiinta iyo marti sharaf kale.

 

DSC03675Munasabadda oo ka dhacday dugsiga Balley ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Madaxa Mashruuca Waxbarashada Somali Family Services Bashiir Ibraahim Jaamac (Dheliyo) waxaana uu ka warbixiyey Mashruucan waxbarashada iyo heerarkii uu soo maray ,isagoo sheegay in barnaamijka ay kawadaan Meelo ay ka midyihiin Garoowe,Balley,Sunijiif,Yibaayil iyo Xaarxaar,isla markaana uu u qaybsamo labo qaybood oo ka kala socda magaalooyin iyo dhul miyi ah oo la gaarsiiyey agabka waxbarashada sida Teendhooyin,Saburado,Jeesto iyo Barayaal la tababaray oo xoolo dhaqato ah.

DSC03680

 

Bashiir waxaa uu sheegay in mashruucan ay iska kaashadeen SFS,Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo Hay,adda UNICEF oo Maalgelinaysa,ahmiyadda laga leeyahay ay tahay sidii loo kobcin lahaa garaadka Caruurta ku nool meelaha aan waxbarashadu ka jirin ee ay miyiga ah iyadoo waxbarashada la gaarsiinayo Magaaladda iyo Miyigaba.

Bashiir Ibrahim waxaa uu xusay in mashruucu qabado kala kulmay deegaanka Balley oo iskuulka lagu warejinayo ,kuwasoo ay ka midyihiin in aanay dadka waalidiinta ahi u diyaarsanayn waxbarashada Caruurtooda aysana daremayn dadaalka loogu jiro waxbaridda ilmahooda.

DSC03707Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal Xasan C/laahi Cilmi (Xasan Birimo) ayaa isna qaatay hadalka waxaana uu sheegay in baahida waxbarashadu ay ka timi dadka deegaanka Balley oo xilliyo kala duwan soo gaarsiiyey cabashadooda Xarunta Gudoonka Waxbarashada Gobolka Nugaal,iyadoo xilligaa dadaal dheer loo galay sidii iskuul ay u helilahayeen ,balse ay muuqato in aysan ka faaiidaysan iyado hay,adda dhistay iskuul aanay ku qancin habka waxbarasho ee Bulshada Balley aanay ugu xaydan Horumarinta waxbarashada dhalaankooda.

 

DSC03714

Xasan Cismaan oo ka mid ah gudiga waxbarashada ee Balley ayaa ka mahadceliyey dadaalka loo galay helitaanka iskuulkan iyo agabka waxbarasho ee lasoo gaarsiiyey,waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay diyaar u yihiin sidii ay udardargelin lahayeen waxbarashada Caruurta.

 

DSC03722Xirsi Geele oo ah gudoomiyaha Balley ayaa isna sheegay in iskuulkani yahay kii ugu horeyey ee laga taago Balley oo ah meel ay Culimada Xerta (Timoweynta ) ahi degtay Sanadkii 1958 ,iyadoo ujeedkii halkaasi loo degayna uu sheegay in ay ahayd Barashada Diinta Islaamka balse aanay ka marnayd Cilmiga Maadiga ah,waxaa kaloo uu sheegay in Barashada cilmiga Maadiga ahi ay u tahay marxaladda labaad.

Xirsi Geele waxaa uu hoosta ka xariiqay in ay labo xilli wax kala baranayaan gabdhah iyo wiilashada ku nool xerada Balley.

DSC03731Duqa Degmadda Garoowe C/casiis Nuur Cilmi (Koor) ayaa sheegay in iskuulkani yahay barnaamijyada Horumarineed ee ka socda deegaanka iyadoo loo bahanyahay in laga wada faaiidaysto oo xooga la saaro sidii waxbarashada asaasiga ah looga dhisilahaa Caruurta ku sugan Balley si marka ay garaan waxbarashada sarana ay ugu gudbaan dugsiyadda Magaaladda Garoowe ee ay ka tirsantahay Balley.

DSC03737Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo isna ka mid ahaa masuuliyiinta gaaray Balley ayaa u magadceliyey hay,addaha iska kashaday dhismaha iskuulkan oo uu xusay in laga dhisay meel ku haboon waxaan uu dadka deegaanka ku booriyey in ay dadaal u galaan sidii ay u muujin lahayeen doorka kaga adan oo ah in ilmaha ay uga faaiideyaan “ dhismahaan qurxoon waxaa looga bahanyahay culimada iyo waalidiinta Reer Balley in aad ka faaiidaysataan oo aad kazoo muuqataan waxa la idiin qabanayo,waxqabadka meeshan ee danbe waxaa uu ku xiranyahay sida aad kan uga faaiidaysataan”,Gudoomiyaha Gobolka Nugaal.

DSC03751Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxaa )oo soo si rasmi ah xariga uga jaray dugsigaan ayaa sheegay in wasaarad ahaan wixii karaankooda ah ee kaga aadan horumarinta waxbarashada ay diyaar la yihiin balse ay nasiib daro tahay meel la degay sanadkii 1958 oo aan hore looga furin Xarun waxbarashada asaasiga ah.

 

Wasiirku waxaa kaloo uu sheegay in ay muhiimtahay sidii loo dardargelin lahaa waxbarshada iyadoo dadaalku noqonayo labada dhinac ee kala ah Bulshada iyo bahda waxbarashada oo ay wasaaradu hogaaminayso “ Xil ayaa naga saran Caruurta yaryar ee halkaan ku nool sidii ay waxbarasho u heli lahayeen markaa waa in aynu dhinacyada qabanaa wadada horumarka tacliinta,hadaa maqashan doqon waa qof aan maskaxdiisa cilmi la galin,dibu dhac ayaa idin ka muuqda  haloo dareero waxbarashada oo diiniga iyo Maadigaba barta,wiilal iyo gabdhaba waa muqadas in ay ka faaiidaystaan cilmiga ,ahmiyadda waxaa leh gabdhaha waayo bulshada ayey wax kusoo celinaysaa ,guriga ayey ku dabakhdaa wixii lasoo baray yaan laga caajisin”.

DSC03769Wasiir Juxaa waxaa uu dulmaray hanaankii hore ee Culimada Xerta iyo wixii ay deegaanka ka ahayd xilligii hore ,waxaana uu yiri “ Aduunka isbadal ayaa ka socda horumarku waa korayaa waxaa muhiim ah in aad la jaanqadaan oo aad jiilka soo koraya cilmiga u dirtaan si ay usoo baxaan dad xirfad layaal ah oo bulshada dhexdeeda wax kusoo kordhin kara ,Maanta xirfado cusub ayaa aduunka kusoo biiray qofkii aan barana ummada wuu ka harayaa markaa dadaal ayaa loo bahanyahay bulshaduna waa in ay idin ka faaiidaa”.Wasiir Juxaa.

DSC03675xirDSC03672DSC03689DSC03684

DSC03777Barnaamijkan ayaa ah mid la filayo inuu wax badan kusoo kordhin karo bulshada ku dhaqan deegaanka ay ku noolyihiin dadka xoolo dhaqatada ah ee Puntland,waxaana uu ka socdaa 3da gobol ee kala ah Nugaal,Karkaar iyo Sanaag.

Sahan Radio

Webmaster@sahanradio.org

Listen Our daily News & programs

News Archive

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA