Puntland: Isu soo baxyo lagu tageerayo Maamul u samaynta Jubbooyinka oo ka dhacay Garoowe & Galkacyo.

jubalandMagaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa waxaa ka bilowday ololeyaal iyo isu soo baxyo lagu soo dhaweynayo Maamul u samaynta Jubooyinka iyo Gedo oo dhawaan uu shirweynihii ka furmay Magaaladda Kismaayo.

Magaaladda Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa waxaa ka dhacay isu soo bax balaran oo ay kasoo qaybgaleen qaybaha Bulshada deegaanka Maamulka,Saladiinta ,Qurba joogta iyo Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Degmadda iyo Golayaasha Dowladda Puntlan.

Dibadbaxaan ayaa waxaa hadalo ka jeediyey Madaxda Gobolka,Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Xubno ka tirsan Golaha wakiiladda Puntland ee Soomaaliyeed waxana ay dhamaantood fikirkooda ku cabireen sida ay muhiimka u tahay in la dhiso Maamul Goboleed uu yeesho deegaabka Jubooyinka iyo Gado .

Waxaa banaanbaxan Fariin loogu diray Madaxda Dowladda Faderalka Soomaaliya oo loogu baaqay in ay ka joojiyaan Faragelin la sheegay in ay ku hayaan shirka ka socda Magaaladda Kismaayo ,halkasoo uu ka soconayo shirka ay isugu yimadeen waxgaradka kasoo jeeda deegaanka danaynaya maamul ka la filayo in laga soo saaro shirka Kismaayo.

Dhanka kalana waxaa isu soo baxaan lagu  canbareyey hadal dhawaan ay calamka u jeediyey shakhsiyaad kamida madaxda dowladda Faderalka oo ahayd in soomaaliya laga qaado Cunaqabataynta dhanka Hubka oo Xayiraad sarantahay ,balse hogaanka Faderalku codsaday in laga qaado Xayirada Hubka soomaaliya,waxaana Bulshada isu soo baxday ay canbarayn iyo dhalecayn ka muujiyeen in xayiradda laga qaado xilligaan dalka soomaaliya ,taasi oo ayku micneyeen in aanay xilligaan ku habonayn madaama dalku mudo dheer ku jiray colaad sokeeye isla markaana sidii loo midayn lahaa ;agu howlanyahay.

Dibadbaxyadda Caynkaan ah ee Maanta Garoowe ka dhacay ayaa hore loogu qabtay Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug kaasi oo ay soo qabanqabiyeen dhalinyarada Gobolkaasi.

Sahan Radio

Webmaster@sahanradio.org

Listen Our daily News & programs

News Archive

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA