UNPOSS oo Haweenka Puntland kulan u qabatay (Sawirro).

DSC04018Garoowe(SR): Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee UNPOSS Qaybtiisa Arrimaha Haweenka (Gander)ka ayaa kulan balaran u qabtay Haween gaaraya 60 qof oo kala matalaya Haweenka Goboladda iyo degmooyinka Puntland.

Kulankaan oo ka furmay hoolka shirarka ee Hotelka Rugsan ee Magaaladda Garoowe ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madaxda Waaxda Ganderka ee UNPOSS ,Qaybaha ururada Haweenka Puntland iyo Marti sharaf kale.

DSC04025Cumar Axmed oo ah lataliyaha Barnaamijka Ganderka ee UNPOSS ee Soomaaliya ayaa sharaxay ujeedka kulanka oo uu sheegay inuu ka midyahay kulamada haweenka soomaaliyeed loo qabto ee hore loogu soo qabtay Xamar iyo Wadamadda Dariska ah ,kuwasoo lagu kobcinayo garaadka iyo iskaashiga Haweenka Soomaaliyeed.

Cumar waxaa uu sheegay in barnaamijkan looga arrinsandoono dhismaha Nabadgelyadda iyo ka qaybgalka horumarinta dalka ee Haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland,waxaana uu xusay in mudadii dheerayd ee dalku colaada sokeeye kusoo jiray ay haweenku dhabarka u riteen howlo badan oo kaga soo baxsaday dhanka Ragga  ” Waxaa kaalin lama ilawaan ah ka gaysateen xasilinta iyo dibu heshiinta bulshada soomaaliyeed ,waxaan ogahay in shirarkii Garoowe 1 iyo Garoowe 2 aad door muhiima ka ciyaarteen hadii aad tihiin Haweenka Puntland,sidaa si lamid ah waa in aynu kawada shaqaynaa sidii guud ahaan soomaaliya loo midayn lahaa”. Cumar.

DSC04048Cumar waxaa uu sidoo kale sheegay in kulamadaan looga golleyahay sidii loo xoojin lahaa doorka haweenku ay ku leeyihiin Hanaanka Geedi socodka Nabadgelyadda iyo Dibu heshisiinta dalka soomaaliya,waxaana uu ku booriyey in ay shirkooda kasoo saraan qodobo muhiim ah kuwasoo hagaya sidii looga gudbi lahaa colaadaha iyo kala maqnaashaha soomaaliya oo idil.

DSC04023Charity waa sarkaalad ka tirsan UNPOSS gaar ahaan barnaamijka Ganderka ee waxaa ay sheegtay marka hore in ay ku faraxsantahay imaanshaha puntland  oo ay tahay markii kowaad,marka xigana in ay ahmiyad gaara siinayso sidii loo awoodsiin lahaa Haweenka Puntland iyo kan soomaaliyaba ,iyadoo laga duulayo sidii loo midayn lahaa guud ahaan Haweenka Gobolka ,taasina ay u sahasho markaa in ay iska kaashadaan Horumarka dalka iyo ka qaybgalka dhamaan ololaha siyaasadeed ” Waan idiin hanbalyeynayaa madaama aad door ka ciyaarteen barnaamijyadda Nabadgelyadda ,markii aynu isbaranay waxaa dhamaan magacyadda Ururadiina ku jiray in aad ku howlantihiin Nabadgelyadda deegaanka ,markaa xoojiya nabadgelyadda iskaashina waa muhiim “,Charity.

DSC04042Ka qaybgalayaasha ayaa su,aalo badan ka waydiiyey sarakiisha iyo fududeyayaasha kulankan,waxaana inta badan uu noqonayaa doodo,figrado isdhaafsi iyo wax isweydiin .

Kulanka oo socondoona mudo labo cisho ah ayaa lagu wadaa in ay kasoo baxaan qodobo dhaxal gal ah oo ku adan sidii loo midaynlahaa Haweenka Soomaaliyeed iyadoo la filayo in ay aragtidooda ka dhiibtaan nidaamka loo wada shaqayn karo guud ahaan haweenka Soomaaliyeed.

 

Sahan Radio

Webmaster@radiosahan.org

 

 

Listen Our daily News & programs

News Archive

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA