EYL: SFS oo soo afmeertay Aqoon isweydaarsi ay u waday bulshada Deegaanka Eyl (Sawirro).

DSC04953Eyl(SR): Hay,adda Maxaliga ah ee Somali Family Services ayaa soo gabagabaysay aqoon isweydaarsi ay kawaday deeganka degmadda Eyl ee Gobolka Nugaal,iyadoo aqoonisweydaarsigan uu ahaa kii labaad ee ay degmadda ka fuliyaan sarakiisha SFS Todobaadkan gudihiisa.

Aqoon isweydaarsigaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Hay,adda SFS oo kaashanaysa Hay,adda ay wada shaqaynta leeyihiin ee DIAKONIA waxaana  kasoo qaybgaleen qaybaha bulshada deegaanka Eyl iyo Masuuliyiinta hay,addaha Maamulka puntland ee ay ka midka yihiin Maamulka Degmadda,Sarakiisha Ciidanka Badda Puntland ,Waxbarashada,Caafimaadka iyo wakiiladda wasaaradda Haweenka Puntland ayaa looga arrinsanayey sidii ay masuuliyiinta kala duwani ugu soo bandhigi lahaayeen bulshada adeegyadda ay u hayaan wixii ka qabsoomay iyo waxa aan ka qabsoomin ,iyadoo dabadeedna ay Muwadiniintu waydiinayaan su,aalo ku adan sababaha ay u qabsoomi wayeen inta aan wax laga qaban iyo waliba ,waxyaalaha kale ee ay ku dhaliilayaan adeegayaashooda iyadoo ay bogaadinayaan cidii wax muuqda ka qabatay shaqada ay u hayaan bulshada.

DSC05022Aqoon isweydaarsiga oo labo cisho socday ayaa waxaa warbixin ku adan wixii ay qabteen ka jeediyey Masuuliyiinta Hay,adaha kala duwan ee  Masuuliyiinta hay,addaha Maamulka puntland ee ay ka midka yihiin Maamulka Degmadda,Sarakiisha Ciidanka Badda Puntland ,Waxbarashada,Caafimaadka iyo wakiiladda wasaaradda Haweenka Puntland.

ka qaybgalayaasha ayaa kala duwan ee bulshada ka socday ee ay ka mid yihiin Dhalinyarada,Ganacsatada,Haweenka,Odayashada,Culimadda ,Ardayda iyo Barayaasha iskuuladda degmadda Eyl ayaa su,aalo ka waydiiyey masuuliyiinta wixii ka qabsoomay howlaha ay hayaan ,waxaana ay usoo jeediyeen Baahiyaha tagan ,Meelaha u bahan in wax laga qabto iyo siyaabaha wax looga qaban karo iyadoo la wada jiro,waxaana ay dhamaan sarakiishani usoo dhaweyeen talooyinka iyo hoga tusalaynta Bulshada.

DSC05017DSC05050Dhibaatooyinka ay dadweynuhu soo jeediyeen ayaa waxaa ka mid ahaa.

1. Waxyeelada ay qoysaska ku reebtay burcadbadeednimadii laga suuliyey deegaanka Eyl dhanka Caruurta iyo Hooyadda dhaqmada ah .

2. Caruurta darbi jiifka ah ee aan ka qaybgalin goobaha waxbarashada sababo dhaqaale owgood dabadeedna waxyeeleyey Beeraha iyo Ardayda kale ee ka qaybgasha waxbarashada.

3. Hooyooyinka oo intooda badani aan qabin wacyigelin ku adan gaynta iskuulka ilmaha taasina ay sababtay in Caruur badan oo gabdho u badan loo adeegsado dhanka xoolo raacista Magaaladda Eyl.

4. Dhanka badda oo ay kusoo badanayaan Marakiibta jariifka ah oo guranaya Khayraadka badda iyadoo aanay u kala aabe yeelayn Kaluunka noocyadiisa iyo Birriga oo ay ka gurtaan ugaarta haba ugu badnaato daaraduye ,sida ay shirka ka xaqiijiyeen bulshada deegaanka Eyl.

DSC04844DSC04854waxana si weyn arintaa uga hadashay Marwo Caasho C/kariin oo ah wakiilka wasaaradda Haweenka ee degmadda Eyl  ” Waxaa deegaanka soo maray masiibo xun oo Burcadbadeednimo ah waxaa dhacday in aabayaal badan la qabtay oo ay xiranyihiin ,kuwo waa geeriyodeen ,Kuwo Nolosha ayey ka dhaceen,Waxaa meesha looga tagay Hooyo iyo Caruur aan cid masuul ka ahi jirin ,aanay jirin cid iskuul ka bixisa,Nolol maalmeedka cid u raadisa aanay jirin,waxaa taa kasii daran inta gabdhood ee aan garanayn meel ay kushegaan Ragii ay Caruurta u dhaleen waayo waxaa lagu qabtay howlgal ciidan ayaa ku maqaale ah ,Markaa waxaa aan soo jeedinayaa in loo gurmado Ilmahaas iyo Qoysaskaa tabalaysan ee deegaanka ku sugan” Caasho C/kariin.

DSC04946Aqoon isweydaarsiga ayaa maalintii labaad waxaa kasoo qaybgalay wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo kormeer shaqo ku marayey Degmooyinka Godob-jiraan iyo Eyl ee Gobolka Nugaal,waxaana uu jeediyey warbixin kooban oo uu kaga hadlay wixii ay wasaaradiisu ka qabatay waxbarashada Puntland mudadii uu joogay Xafiiska ee ahayd Afar sano iyo Bar.

 

 

Markii uu dhameeyey ayaa ka qaybgalayashu waydiyeen su,aalo badan oo la xiriira dhanka waxbarashadda degmadda iyadoo ay usoo bandhigeen baaiyaha waxbarashada deegaanka ,waxaana uu midmid uga jawaabay wasiirka iyo sarakiisha kale ee ay kamidka ahayeen wasaiirku xigeenka waxbarashada su,aalaha oo idil.

DSC05013DSC05066Wasiirka Waxbarashada oo soo xiray aqoonisweydaarsiga ayaa u mahadceliyey Hay,adaha iska kashaday aqoonisweydaarsiga ee SFS iyo DIAKONIA oo uu sheegay in ay wada shaqayn dhow la leeyihiin wasaaradda waxbarashada iyo guud ahaan hay,adaha dowladda Puntland ,iyadoo kulankanina ahmiyad gaar ah uu u leeyahay wasaaradda iyo dadka deegaanka oo aan jaaniskaan oo kale marnaba hore isugu helin .

Aqoon isweydaarsigaan waxaa uu qayb ka yahay barnaamijyo ay iska kaashadeen labada Hay,adood ,kuwaasi oo lagu wado in laga fuliyo Goboladda Puntland oo ay ugu soo horeyaan degmooyinka Gaalkacyo,Burtinle,Garowe ,Qardho iyo Boosaaso.

Sahan Radio EYL.

 

 

 

Listen Our daily News & programs

News Archive

April 2013
M T W T F S S
« Mar   May »
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA