Garoowe : Gudiga doorashooyinka Kumeelgaarka Puntland oo Shaaciyey in Doorashadda Golayaasha deegaanka la qabandoono 30 June 2012 (Warsaxafadeed).

DSC05205Garoowe (SR): Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa ku dhawaaqay in 30,June ee sanadkan 2013 la qabanayo doorashooyinka golayasha deegaanka ee Puntland.

Shirsaxaafadeed ay gudigu ku qabteen Xarunta TPEC ee Garoowe ayaa si rasmi ah loogu shaaciyey warfidiyeenka in la qabandoono doorashada Golayaasha deegaanka .

 

DSC05198Gudoomiyaha Guddoga Doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre oo Saxaafada kula hadlay xarunta Tpec ayaa ku dhawaaqay Xiiliga ay dhacayso doorashadu waxaana uu yiri “Waxaan rabaa inaan Maanta si rasmi ah u shaaciyo xilliga uu gudiga TPEC u qorsheyey in ay qabsoonto doorashadad Golayaasha deegaanka Puntland oo ah 30 bisha June 2013” Maxamed Xasan Barre ayaa sidoo kale sheegay in sharcigu qabo ay in Madaxweynuhu saxiiso qorshahaan , wuuna saxiixay si faafinta rasmiga ah loogu sameeyo.

DSC05203Gudoomiyaha oo Saxaafaddu waydiisay inay doorashadan ku jiraan Ururada Midnimo iyo UDAD oo hore u qaadacay doorashada golayaasha deegaanka ayaa kaga jawaabay arrintaas “ Labada urur waa jirtay in ay war murtiyeed soo sareen ay ku qadaceen doorashadaas ,Lakiin waa ka qaybgali karaan oo kama xirna Albaabku ,waxaana socda wada hadal rajo fiican laga qabo oo xilligeeda la idiin soo gudbindoono Warbaahineey”Maxamed Xasan Barre.

Gudiga waxaa kaloo ay shegeen in 75 cisho ee ka harsan xilliga la iclamiyey lahu gudagelidoono howlaha ay ka midka yihiin.

Wacyigelinta Bulshadda Deegaanka

Iyo diyaargarowga cidda musharixiinta u tartamaysa golaha deegaanka Dalka,waxaana lagu wadaa in ay isu soo haraan 3da urur ee usoo gudba xisbi siyaasadeedka.

Sahan Radio Garoowe .

 

Listen Our daily News & programs

News Archive

April 2013
M T W T F S S
« Mar   May »
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA