Garoowe : Urur siyaasadeed Horcad oo warsaxafadeed soo saaray (Sawirro).

horcGaroowe (SR): Ururka HORCAD oo ka mid ah lixda urur siyaasadeed ee  puntland ee uu aqoonsaday gudiga kumeelgarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa shir jaraaid ku qabtay Magaaladda Garoowe ee Xarunta Puntland.

War saxaafadeed laga soo saarey Xafiiska Ururka Horcad ayaa lagu cadeeyey in xubnaha ururku ku kala aragti duwan yihiin dhaqdhaqaaqa siyaasada iyaga ku eedeyey xubno ka tirsan Ururka uuna ka mid yahay Afhayeenka Ururkaas Axmed Yaasiin in uu been abuur ka sheegey siyaasada ururka, islamarkaana aysan jirin talo guud oo ururku ku mideysan yahay oo ku shaqeynayey.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusey in afhayeenka ururkaas uusan imaan tan iyo intii muddo ahayd xafiiska ururku ku leeyahay Garowe oo uu banaanka ka sheego warar aan la isla ogeyn , kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo aan ka turjumeyn ururka.

Maxamed Cali Jaamac oo ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee ururka Horcad ayaa maanta war saxaafadeedka ay soo saareen wariyaasha ugu akhriyey xafiiska ururka ee ku yaal Magaalada Garowe, isagoona carabka ku dhuftey in ay taageersan yihin hanaanka xisbiyada ee loo tartamayo , balse ay diidan yihiin oo kaliya xubno doonaya in ay talada maroorsadaan oo soo dhex galey xafiiska ururka kuwaas uu ku tilmaamey in yihiin kuwo doonaya in ay dano gaar ah ku fushadaan horumarka la doonayo in lagu talaabsado.

 

Halka akhriso War saxaafadeedka Xafiiska Ururka Horcad Garowe laga soo saarey .

Warsaxafadeedka1

Image0001

Listen Our daily News & programs

News Archive

April 2013
M T W T F S S
« Mar   May »
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA