Garowe: Barnaamij Looga hadlayo Isdhexgal-ka Bulshada oo lagu Qabtay Xarunta Puntland Library.

Hay`ada Releif internarional ayaa Saaka oo ay taariikhdu ahayd 25/12/2013. siminaaaru ku qabatay  Puntland Libarary oo laga hadlayey  isdhexgal ka Bulshada waxaana kasoo qeyb-galay  dad aad ufara badan .

Kulankan ayaa waxaa lagaga hadlayey sidii ay bulshadu isku dhex gali lahayd,iyo sidii loo hormarin lahaa waxbarashada dadka waaweyn iyo Da`yarta soo barbaareysa .

Kulankan ayaa waxaa loo qabtay dad isugu jira waayeel iyo wax garad,hooyooyin iyo da`yarta soo barbaareysa, kulan ayaa waxaa lagaga hadlay doorka ay hooyooyinku ku leeyihiin wax barashada iyo sidii ay ilmahooda uga fakari lahaayeen sidii ay wax u baran lahaayeen.

Kulan-kan ayaa intii uu socday waxaa su`aalo laga waydiiyey dadkii siminaarka kasoo qeyb-galay waxaana ka mid ahaa:-

1.sidii wax abrashada ko loogu qaadi lahaa

2. Qiimaha ay leedahay waxbarashadu.

3.Qofka wax bartay iyo kan wax aan baran,waxay ku kala duwan yihiin.

4.Mustaqbalka wiilasha iyo Gabdhaha

5.iyo hooyooyinku inay wax bartaan Dagalna ay ku sameeyaan ilmahooda.

 

Kulan ayaa markuu dhamaaday waxaan su`aalo ka weydiiney maamo ka mida maamooyinkii kasoo qeyb galay siminaar ka Isdhex-galka Bulshada,waxayna noo sheegtay in uu aad u wanaagsan yahay Siminaar noocaan oo kale ah, uuna aad ugu fiican yahay dhalintarada iyo Bulsahda soomaliyeed.

Listen Our daily News & programs

News Archive

December 2013
M T W T F S S
« Nov   Jan »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA