(Waraysiga) Agaasimaha Guud ee Dhalinyarada Iyo Sport`s-ka Puntland.

Qeybtayana Idaacada Ee radiosahan ayaa warasyi gaar ah la yeelatay  Agaasimaha guud ee dhalinyarada iyo ciyaraha Puntland Axmed cabdalla Tikaana.

(Tikaana)ayaa ugu horeyntii u mahad celiyey Idaacada radiosahan isagoona ka warami doona Ciyaaraha Puntland  heerka ay hada marayaan iyo waliba siyaasada kaga aa`dan dhinaca horumarinta Sportska.

Agaasimaha ayaa sheegay in ay asaasi doonaan Naadi Isku duuban oo Puntland u noqon doona Hormuud ,sidoo kale waxaa uu intaas ku daray in ay samayn doonaan Ciyaarihi gobolaysiga Puntlan isagoona sheegay agaasimuhu in ay qaban doonaan tar-tankii Ciyaaraha Gobolada Puntland taas oo uu dib u dhac uu ku yimi xiligii ay dhici jireen.

Dhinaca kale agaasimaha ayaa tilmaamay in ay diyaar u yihiin wax qabadka iyo horumarinta Ciyaaraha Puntland.isagoona sheegay in garoomada Puntland ay uu baahan yihiin in siifan loo dhiso loona hormaryo.

Tikaana  ayaa dadka reer Puntland ugu baaqay in ay ka qeybqaataan Harumarinta garoomada Dalka isagoona sheegay in wasaarada shaqada iyo shaqaalaha Sportka Puntland lala garab istaago Horumarinta Sport`ska kaligeedna aysan waxna qaban Karin .

Agaasimaha ayaa dhinaca kale tilmaamay in ciyaaraha gobolada Puntland ay ka qeyb gali jireen 8 Gobol iyadoona hada ah 9 Gobol,agaasimaha ayaa sheegay in gobolka kusoo siyaaday uu heli doono xuquuqdiisa iyo ka qeybgalka Ciyaaraha Gobolada Puntland iaydoo la mari doono habka Dastuur ah.

Axmed Cabdalla Tigaana ayaa sheegay in FIFa ay ku dacwayn doonaan Xiriirka Kubada Cagta Soomaliyeed ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho kadib markii ay si muuqata u inkireen Jiritaanka Puntland ee Dhanka Ciyaaraha kalana weecdeen taageeradii Sports ee Soomaliya ay ka heshay Caalamka iyagoo ku koobay Magaalada Muqdisho.ayuu sheegay markuu u warmayey idaacada radiosahan.

Gaba-Gabadii Agaasimaha  ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay in bulshada reer puntland ay kawada shaqeyaan dhinaca sportska ,isagoona tilmaamay in sport`sku uu kaareebaayo waxyaalaha xun-xun oo dhan sida Tahriibta IWM.isagoona sheegay in ay la taliyaan lana socdaan hadba xaalada jirta ayna ogaaadan in aysan wasaaradu kaligeed soconkarin haday shacabkeeda dhiiri galin iyo latashi ka waydo.

 

Radiosahan.org

Said-Lion

Listen Our daily News & programs

News Archive

April 2014
M T W T F S S
« Mar   May »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA