Xildhibaan ku dhintay Qarax Muqdisho ka dhacay

Qarax saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya halka mid kalana lagu dhaawacay.

Qaraxa ayaa ka dhashay bambaano lagu xiray gaari ay wateen xildhibaannada.

Xildhibaanka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Isaaq Maxamed Reenow iyadoo xildhibaanka la dhawaacayna la yiraahdo Maxamuud Cabdi Dhuux.

Qaraxa ayaa ka dhacay dibada hotel ku yaala degmada Xamar weyne iyadoo saraakiisha boolisku sheegeen inay baarayaan sababta qaraxa dhalisay.

Alshabaab ayaa sheegatay inay ka danbaysay weerarkaaasi qaraxa loo adeegsadau.

Qaraxa ayaa imaanaya iyadoo maalintii labaad uu galay shir ka socda Muqdisho oo looga hadlayo amniga Soomaaliya, kaas oo ay ka qayb galayaan khubaro ka kala timid gudaha iyo dibada si loo helo qaab looga baxo mushkiladaha amni daro ee Soomaaliya ka jiray sanadaha badan.

Listen Our daily News & programs

News Archive

April 2014
M T W T F S S
« Mar   May »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA