Qardho(RSO)Xaflada Caleema Saarka Boqor Burhaan Boqor Muuse Oo Soo Gaba-gabowday(Sawiro).

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey oo ay ka soo qaybgaleen kumaankun qof ayaa maanta ka dhacdey magaalada Qardho, taas oo lagu caleema saarey Boqorka beelaha Daarood & Meheri Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yusuf oo noqonaya boqorkii 34aad.

Xafladda caleema saarka ayaa ahayd mid aan horey iyada oo kale loo arag waxaana ka soo qaybgalay Soomaali oo dhan oo kal kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa oo dhan. Xaflaaddu socoto waxaa ku soo biirey oo diyaarad keentey, Imaamka guud ee beesha Abgaal raysalwasaarayaashii hore Cali Geedi iyo Cumar Cabdirashiid iyo Xasan Abshir kuwaas oo ka dhigey Raysalwasaarayaasha fadhiyey goobta 4 waxaa horey u joogey Prof.Cali Khaliif Galaydh.

Xafladda ayaa ku bilaamatey gabayo iyo suugaan ay tirinayaan afmaalayaal iyo sugaanyahan Soomaaliyeed, Kadib waxaa xafladda soo gaarey Madaxweynaha Puntland iyo wefdigii ka socdey dalka Yemen ee uu hogaaminaayey suldaanka guud ee Mehra iyo Suqadara.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ay garab socdaan caa’ilada reer Boqor ayaa goobta caleema saarka lagu soo dhaweeyey.

Suldaan Siciid Sudlaan Cadbisalaam iyo Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Isimo a hoggaaminayaan ayaa Boqorka ku duubey aqal weyn oo si qurxoon loo dhisey isaga oo ay hareeraha ka fadhiyaan qaarkamid ah qoyska reer Boqor.

Xafladda oo duhurkii gaartey waxaa khudbado kala guddisan ka jeediyey, Suldaanka Mehra iyo Suqadara oo isagu haddiyad qaali ah guddoonsiiyey Boqorka taas oo ahayd Tooreyda iyo seefta Yemen dhaqanka u leedahay. Boqorkuna waxa uu ka guddoomey haddiyadaas iyada oo isla goobta loogu xirey. Sidaas la mid ah Imaamyadii ka socdey Beesha Hawiye ayaa iyaguna Boqorka duubey oo haddiyad ay u sideen ku xirey.

IMG_3777 IMG_3778 IMG_3780 IMG_3810 IMG_3814 IMG_3818 IMG_3820 IMG_3831 IMG_3834 IMG_3835 IMG_3838 IMG_3839 IMG_3840 IMG_3841 IMG_3842 IMG_3843 IMG_3844 IMG_3852 IMG_3854 IMG_3855 IMG_3856 IMG_37791 IMG_37881 IMG_37891 IMG_37901 IMG_37931 IMG_38021 IMG_38041 IMG_38061 IMG_38081 IMG_38091 IMG_38121 IMG_38151 IMG_38171 IMG_38191 IMG_38211 IMG_38231 IMG_38241 IMG_38251 IMG_38261 IMG_38281 IMG_38361 IMG_38371 IMG_38461 IMG_38471 IMG_38531 IMG_3776

 

 

 

Listen Our daily News & programs

News Archive

May 2014
M T W T F S S
« Apr   Jun »
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA