Kismaayo: Madaxweynaha Jubbaland oo codsaday in la taageero dhibbaneyaasha abaarta

Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka, kuwa Qaramada Midoobay iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay gargaar la gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Axmed Madoobe oo ka hadlayay shirka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka ee ka socda magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dadka ku nool gobolladaas ay saameysay abaar ku dhufatay qeybo ka tirsan Soomaaliya, isla markaana ay abaartaas ku xoolo beeleen.

Axmed intaas ku daray in dadku ay u baahan yihiin gargaar degdeg oo dhinacyada biyaha, cuntada iyo caafimaadka ah.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Gedo ay ka mid tahay gobollada ay sida ba’an u saameysay abaarta.

Listen Our daily News & programs

News Archive

September 2014
M T W T F S S
« Aug   Oct »
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA