Beledweyn: Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday Beledweyne

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga madaxwaynaha ayaa si wanaagsan loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne, iyadoo maamulka gobolka Hiiraan, kan degmada Beledweyne, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada ay ka qeyb galeen soo dhaweyntiisa.

Amaanka guud ee magaalada Beledweyne ayaa si weyn loo adkeeyay.

Madaxwaynaha ayaa ku sugan xarunta Ceel-jaalle, halkaas oo uu kulamo kula qaadanayo mas’uuliyiinta maamulka gobolka, kan degmada, saraakiisha ciidamada Soomaaliya iyo kuwa nabad-ilaalinta Midowga Afrika, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada.

Wafdiga madaxweynaha ayaa ka soo ambabaxay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ay saakay booqasho ku tageen.

Listen Our daily News & programs

News Archive

October 2014
M T W T F S S
« Sep   Nov »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA