Dallas: Cudurka EBOLA oo gaaray Maraykanka

Waxaa markii ugu horeysay dalkaasi Maraykanka laga helay nin qaba cudurka halista ah ee faafa ee EBOLA, ninkan ayaa hada lagu hayaa isbitaal kuyaal magaalada Dallas ee gobalka Taxes.

Ninkan oo aan weli magaciisa la shaacin ayaa la sheegay inuu dhawaan dib uga soo noqday booqasho uu ku tagay dalka Liberia ee galbeedka Afrika.

Hay’adaha caafimaadka ee Maraykanka ayaa sheegay in shacabka aysan cabsi ka muujin in cudurkan EBOLA si deg degleh ugu faafo dalka Maraykanka, waxayna sheegeen inay hada baadi goobayaan dhamaan dadkii ehelada la’ahaa iyo kuwii kale ee ninkan is arkeen si loo baaro dhamaantood inay qaadeen cudurkan EBOLA oo si fudud la isugu gudbin karo.

Dowlada Marayanka ayaa horey u sheegtay inay dhaqaale badan ku bixin doonto ka hortagida cudurka EBOLA ee ka dilaacay Galbeedka Afrika, Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa todobaadii hore sheegay in cudurka EBOLA uusan lahayn xuduud isla markaana khatar ku yahay caalamka oo dhan.

Listen Our daily News & programs

News Archive

October 2014
M T W T F S S
« Sep   Nov »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA