Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Mudane C/xakiin C/laahi oo Maanta La kulmay Agaasimaha Midowga Yurub Mr Mr.Pierre Aime.

Madaxweyne ku xigeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Agaasimaha Xafiiska Midowga Yurub ee howlgalka xeebaha Soomaaliya EUCAP-NESTOR  Mr.Pierre Aime Riccio  iyo wafdi uu hogaaminayey.

IMG-20141028-WA0027

Mr.Pierre Aime Riccio ayaa waxaa la socday saddex xubnood oo kale ku waasoo katirsan xafiiska EUCAP-NESTOR ee Soomaliya.

Waxaa Madaxweyne Ku Xigeenk ahna  Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ku wehliyey qaabilada wafdiga Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada Dowladda Puntland Cabdisalam Xasan Ducaale.

Mudadii uu socday Kullanka ayaa waxa ay uga wada hadleen qodobo Muhim ah oo ay kamid ahaayen:-

1: Tababarka iyo qalabeynta Ciidanka Badda Puntland ,si loo ilaaliyo xeebaha Puntland oo ah xeebta ugu dheer soomaaliya .

2: Kor u qaadida aqoonta xeer ilaaliyaasha Puntland

3: Tababarka Garsoorayaasha Maxkamadaha Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay iyo Mr.Pierre Aime Riccio ayaa isku afgartay in tababarada dibada lagu qabto loo soo wareejiyo gudaha dalka gaar ahaan Puntland maadaama kharash badan uu ku baxo,iyadoo Puntland ay leedahay Xarumo lagu bixiyo tababaro sida Akadamiyada Carmo iyo Akadamiyada Ciidanka Asluubta ee Garoowe.

-DHAMMAAD-

Listen Our daily News & programs

News Archive

October 2014
M T W T F S S
« Sep   Nov »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA