Taariikhda Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid-Akhriso.

hor markii ay Soomaaliya Xoriyada Qaadatay.

Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke waxaa dhalay Madaxweynihii labaad (2-aad) ee Soomaaliya,ahaana Ra’iisul-wasaarihii ugu horeeyay ee Soomaaliya,ALLE Ha U Naxariistee C/rashiid Cali Sharma’arke.

Aabihiis C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa noqday Ra’iisul-wasaarihii ugu horeeyay ee Soomaaliya,ka dib xorrimada ka dibna noqday Madaxweynaha Soomaaliya 1967,waxaana la dilay 15 October 1969.

Ambasadoor Sharma’arke ayaa ka soo jeeda Qoys caan ah,Awoowihiis Cali Sharma’arke oo laga yaqaanay Soomaaliya ayaa ahaa Gabyaa iyo Aftahan wax yaabo badan lagu xasuusto.

Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke Hooyadiid waxaa lagu Magacaabaa Ruqiyo Macamin Daahir,Aqoonyahan ayay aheyd waxayna ka soo jeedaa Qoys caan ah.

Cumar C/rashiid ayaa Waxbarashada ka bilaabay Magaaladda Muqdisho,waxaana uu ka qalin jabiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee Gahayr isagoo bartay Culuumta Dhaqaalaha.

Waxbarashadda sare ayuu ku qaatay dalka Canada,waxaana uu ka baxay Jaamacadda Carleton University ee Magaaladda Ottawa,waxaana uu ka qaatay Cilmiga Siyaasadda B.A ka dibna M.A.

14 February, 2009 illaa 21 September 2010 waxaa uu Ra’isul Wasaare ka ahaa Dowladii KMG aheyd ee uu hogaaminayay Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

20 May 2010: Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa kalaabtay xil ka qaadistii uu ku sameeyay Sharma’arke kadib markii lala taliyay sida uu sheegay Madaxweyne Sharif Sheekh Axmed.

26 May 2010: Madaxweyne Shariif ayaa mar kale doonayey inuu casilo Sharma’arke, balse Sharma’arke arinkaas waa diiday is jiijiid iyo is qabqabsi labada dhinac ah dhowr bil socday kadib, waxaa ugu dambeyntii Sharma’arke lagu qanciyay in uu is casilo.
21 September 2010: Kadib sanad iyo lix bilood uu dalka Ra’sul Wasaare ka ahaa ayuu Sharma’arke is casilay kadib khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweyne Sharif.

July 11, 2014: Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke waxaa loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka.
December 17, 2014: Waxaa mar kale loo magacaabay xilka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

Listen Our daily News & programs

News Archive

October 2014
M T W T F S S
« Sep   Nov »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA