Ganacsade Cabdullaahi Sheekh Oo Kulan Laqaatay Suxufiyiin Ka Kala Yimid Gobolada Soomaaliya-Sawirro.

Mulkiilaha Xarunta Jimicsiga iyo jirdhiska ee Puntland Fitness Centre iyo Shirkada Xalwo Kismaayo Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa munaasabad isbarasho iyo bogaadin ah u sameeyey suxufiyiin ka kala timid gobolada Soomaaliya.

Munaasabadaan ayaa waxaa kale oo kasoo qaybgalay agaasimaha ciyaaraha iyo dhalinyarada Axmed Cabdalle Tigaana, Burci oo ah rug cadaa dhanka Basket ball-ka ah, gudoomiyaha ciyaaraha gobolka Bari Majacase, iyo marti sharaf kale.

Ugu horayntii waxaa madasha ka hadlay maamulaha xarunta Puntland Fitness Center ee magaalada Garoowe Cabdulqaadir Cali Daahir (Juula) oo ka warbixiyey tartanka Ciyaaraha Saxaafadda iyo siduu kusoo bilowday isagoo xusay inuu tartankani kamid yahay kuwa ugu xiisaha badan ee abid garoonka ka qabsoomay

Qaar kamid ah Wariyayaasha kasoo qaybgalay kulanka oo dhankooda hadalka qaatay ayaa sheegay in tartamada noocan ah ay sii socon doonaan ayna ku dadaali doonaan in Tartan loo qabto dhamaan Wariyayaasha Puntland iyadoo lala kaashan doono dhinacyo kala duwan.

Intaas kadib waxaa hadalka qaatay Mulkiilaha Shirkadda Ganacsiga ee Xalwo Kismaayo iyo Garoonka Puntland Fitness Center Mudane Cabdilaahi Shiikh Nuur, Wuxuu sheegay inuu dhiirigelin doono ciyaaraha guud ahaan isagoo xusay inuu si gaar ah ula shaqayn doono bahweynta Saxaafadda gaar ahaana Kooxaha ciyaaraha ee Wariyayaasha.

Gaba gabadiina waxaa kulanka soo xiray Agaasimaha Ciyaaraha ee Wasaaradda, Shaqaladda Dhaqaalaha, dhalinyaradda iyo Ciyaaraha ee Puntland Mudane Axmed Cabdalle Tigaana oo siweyn u bogaadiyey hawlaha uu hayo Cabdilaahi Shiikh iyo taageerada uu marwalba la garab taagan yahay bahda Ciyaaraha.

e6 - Copy e6 h3 j4 k8 l9 n2 p10 r2 t2 u4 - Copy u4

Listen Our daily News & programs

News Archive

December 2014
M T W T F S S
« Nov   Jan »
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA