Mashruuca Maktabadda Wareegta

Bishii Oktoobar ee tagtay waxay hey’adda Somali Family Service, oo kaashanaysa hey’adda Relief International bilowday mashruuc lagu magac daray “Mobile Liberary” ama afsoomaali ahaan noqon kara mashruuca “Maktabadda Wareegta.”  Hadafka mashruucan, oo ay door weyn ka ciyaarayso wasaaradda Waxbarashada ee Puntland, waxa weeye in la abuuro bay’ad waxbarasho iyo akhrinta buugta, iyadoo loo sii marayo ardayda. Ujeeddo kale ee loo unkumay mashruucan wuxuu si gaar ah u quseeyaa tayeenta waxbarashada gabdhaha yaryar.

Sooyaal ahaan, bulshada Soomaalida waxaa lagu tilmaami jiray, weligana lagu sheegaa dad hadla (oral people), oo aan ku dhiirran qoraalka, waxna aan sidaas u sii akhrin. Weli waxaa muuqata, inkastoo lagu jiro xilli casri ah, in tilmaantaas la baxshay ay wax ka jiri karaan, balse waa arrin wax laga beddeli karo. Waxaana bilowday ifafaalayaal muujinaya in ay wax iska beddelayaan fikradaas la soo carrabaabay. Sidaas darteed, waxaaba la oran karaa mashruuca maktabadda wareegta ama maktabadda guur-guurta (Mobile Library) wuxuu abuuri karaa in dadka Soomaalida, gaar ahaan carruurta iyo dhallinyarada u horseedo barashada dhaqanka wax akhrinta.

 

 

Mashruucan waxaa tixgelin gaar ah lagu siinayaa gabdhahha yarar ama dhallinyarada ah; iyadoo ila gaar ah lagu eegayo, weliba marka ay tahay barashada wax akhriska iyo ku ababbinta dhaqanka wax-akhrinta.

Hey’adda SFS (Somali Family Service) oo hormood ka ah hirgelinta mashruucan waxay booqatay, islamarkaana ay buug ugu deeqday ilaa 16 (lix iyo toban) dugsi ama iskuul oo ku yaala magaalada Garoowe iyo nawaaxigeeeda.

Subax kasta waxaa rugta dhexe ay hey’adda SFS ka dhaqaaqa baska maktabada wareegta (mobile library), oo ku rararan ama sida boqolaal buug ah; waxaana buugtaas si ku-meel-gaar ah loogu deeqaa ardayda dugsiyadda.  Ka dibna, waxaa ardayda la siiyaa wqti ay ku akhristaan buugta loo qaybiyey, iyagoo la kaashanaya macallimiintooda.  Laba saacadood ka bacdi, waxay ardayda, shaqaale ka socda maktabadda guur-guurta iyo macallimiinta ardayda ay ka doodaan, isla falanqeeyaan sheekada la akhriyey ama cutub ka mid ah buugga oo ay ardayda akhrisay.

Waxaa halkaas ka dhasha dood qurux badan, oo keenta in laga dhandhansan karo afkaarta iyo dooda ardayda yaryar inay u baahanyihiin in lagu ababbiyo dhaqan wax akhris buug. Waxa kale oo ka soo baxaya isbeddelka yare ee ku dhacaya hab dhaqanka ardayda muddo yar oo ay buugta akhristeen

Mashruucan oo ah barashada dhaqanka wax akhrinta waxaa lagu tijaabinayaa ardayda dugsiyadda hoose, dhexe iyo sare; waxaana ilaa iyo ka muuqda natiijo wax-ku-ool ah, oo ay xataa ardayda qaarkood ku muujinayaan dareenkooda

 

Halkan Hoose Waxaa Ku Taxan Dugsiyadda La Booqday

 

Liiska Dugsiyadda Mobile Library ee Magaalada Garoowe

 

  1. Darwiish Primary School
  2. Mohamud Aw-Osman Primary School
  3. Waberi Primary School
  4. Samawade Primary School
  5. Garowe Orphanage
  6. Daawad International Primary School
  7. Barwaqo Primary School
  8. New Waaberi Primary School
  9. Kaalo Primary School
  10. Al-waxa Secondary School
  11. AL-xikma Primary School
  12. Israac Primary School
  13. Shabeele Primary School
  14. Jawle Primary School
  15. New Jawle Primary School

 

Wixii faahfaahin ah kala soo xiriir emailkan:

radiosahan4@gmail.com

 

20141231_090417 20141231_090429 20141231_090436 20141231_090446 20141231_090456 20141231_090503 20141231_090508 20141231_090517 20141231_092421 20141231_092427 20141231_092502 20141231_092507 20141231_092510 20141231_092555 20141231_092557 20141231_092600 20141231_092606 20141231_092617 20141231_092619 20141231_093213 20141231_093227 20141231_093233 20141231_093237 20141231_093324 20141231_093420 20141231_093448 20141231_093452 20141231_093541 20141231_094131 20141231_094141 20141231_094150 20141231_094201 20141231_094209 20141231_094212 20141231_094215 20141231_094224 20141231_094230 20141231_094234 20141231_094236 20141231_094249 20141231_094253 20141231_094255 20141231_094308 20141231_094632 20141231_094634 20141231_094640 20141231_094652 20141231_094658 20141231_094704 20141231_094716 20141231_094723 20141231_094726 20141231_094733 20141231_094741 20141231_094744 20141231_094749 20141231_094802 20141231_094811 20141231_094819 20141231_094824 20141231_094836 20141231_094843 20141231_094857 20141231_094903 20141231_094911 20141231_094917 20141231_094922 20141231_094946 20141231_094952 20141231_094955 20141231_095041 20141231_095113 20141231_095136 20141231_095149 20141231_095155 20141231_095157 20141231_095202 20141231_095206 20141231_095208 20141231_095211 20141231_095216 20141231_095241 20141231_095243 20141231_095748 20141231_095801 20141231_095805 20141231_095813 20141231_095816 20141231_095828 20141231_101717 20141231_101721 20141231_102659 20141231_102819 20141231_102833 20141231_102914 20141231_105553 20141231_105601 20141231_105603 20141231_105611 20141231_105630 20141231_105713 20141231_105720 20141231_105728 20141231_105745 20141231_105754 20141231_105800 20141231_105806 20141231_105816 20141231_105823 20141231_105840 20141231_105843 20141231_105852 20141231_110000 20141231_110011 20141231_110017 20141231_110025 20141231_110042 20141231_110045 20141231_110355 20141231_110400

 

DSC05370 DSC05371 DSC05372 DSC05373 DSC05374 DSC05371 - Copy DSC05368 - Copy DSC05369 - Copy

Listen Our daily News & programs

News Archive

December 2014
M T W T F S S
« Nov   Jan »
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA