Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Markii Ugu horaysay Ka Hadlay Arimaha Daacish

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya Mudane Xasan shiikh Maxamuud ayaa Markii ugu horaysay Ka hadlay arimaha ururka Daacish , Madaxweynaha Ayaa Cambaareyey Falkii Ay kula Kaceen rag u Dhashay itoobiya oo ku sugnaa Liibiya kuwaas oo ay ku gawraceen Meel kamid meelaha ay ka taliyaan ururka daacish.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa falkan waxashnimada ah, Falkan ay ku kacdey kooxdan argagixisada ah waa dembi weyn oo bahalnimo ah. Falkani waa burcadnimo la huwiyey magaca aydoloojiyad aan waxba ka jirin. Waxaa cad in kooxda ISIL ujeeddadeedu ay tahay oo keliya inay faafiso fariin waxashnimo iyo dhibaateynta dad aan waxba galabsan. Waa dembiileyaal ka soo horjeeda ilbaxnimada; waa bahalo quuta dhiigga wiilasheena iyo gabdhaheena,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa sidoo kale uu sheegay in argagixisanimada ay tahay khatar caalami ah, oo u baahan in si wadajir ah waajib la isaga saaro sidii loola tacaali lahaa. Waxaa uu intaa ku darey in Soomaaliya oo ah dal ay waxyeelo uu ka soo gaarey falal argagixisonimo, ay si dhow ula shaqeyn doonto beesha caalamka si loo burburiyo kooxaha argagixisada.

“Soomaaliya waxay balanqaadeysaa waajibaadka ka saaran la shaqeynta waddamada Afrika, isla markaana aysan aqbali doonin in kooxaha argagixisada ay gabbaad ka dhigtaan waddanka. Waxaan u taaganahay inaan waddamada Afrika kala shaqeyno baahida sugidda amniga. Waxaan garab taaganahay mabaadii’da caalamiga ah ee dhowrista xoriyadda, in laga hortago tacaddiyada, taageerada ku dhaqanka sharciga iyo xuquuqda aadanaha,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Madaxweynaha.

Listen Our daily News & programs

News Archive

April 2015
M T W T F S S
« Mar   May »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA