Haweenaydii Ugu horaysay Oo Duqa Degmada Garowe Isku Soo Sharaxday

Haweeneyda Suhuur Xaashi Maxamed oo kamid ah xildhibaanada gollaha cusub ee deegaanka Garowe ayaa ku dhawaaqday inay tahay murashax u taagan Xilka duqa degmada Garowe Ee Caasimadda Puntland,

Kulankan ayey ku Qabatay Hotel new rays oo ku yaala Magalada Garowe waxayna Daaha ka qaaday inay musharax u taagan xilka Duqa degmada garowe

Gudoomiyaha Haweenka Puntand iyo Xaliimo Cali Biyood oo ka tirsan wasarada Warfaafinta ayaa sheegay inay tahay arrin lagu farxo in Suhuur Xaashi ay u taramayso xilka Gudoomiyaha Caasumadda Garowe, tilaabadaas oo ay ku sheegeen inay hormuud u tahahay Haweenka Aqoon yahanka ah inay u tartamaan mamulka magaalooyinka.

Xildhibaan Mustafe Bille oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa munaasibada khudbad uu ka jeediyay wuxa uu ku sheegay inay taageero weyn u hayaan in haweenku u tartamayaan xilalka mamulka magaalooyinka, sidoo waxa uu soo dhaweeyay in Suhuur Xaashi Hambo oo ka mid ah dhalinyaradda aqon yahanka Gobalka Nugaal u tartanto xilka Maayarka Garowe, Bile ayaa sheegay inay tahay wax taariikhda galaysa tilaabada ay Zuhuur ku dhaqaaqday maanta.

Badana Dumarka somaliyeed eed ka tirsada Markay noqoto kuraasta Xukuumada laakiin Suhuur ayaa noqonaysa mid Dhiirigalinaysa dumar badan oo raba inay isku soo taagaan Xilal

Listen Our daily News & programs

News Archive

August 2015
M T W T F S S
« Jul   Sep »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA