Madaxweyne Gaas oo Madaxtooyo Iyo Xarumo Kale Dhagax Dhigay

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 30-8-2015 magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ka dhagax dhigay  Xarunta Madaxtooyada Puntland , Wasaaradda Ganacsiga , Wasaaradda Howlaha guud iyo gaadiidka, Wasaaradda Beeraha , Bankiga dhexe ee Dawladda iyo taliskii hore ee booliska oo dib u habeyn lagu sameynayo.

Dhagax dhiga xarumahaasi waxaa sidookale goob joog ka ahaa Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka degmada Gaalkacyo, maamulka Gobalka Mudug, xubno katirsan golaha deegaanka , waxgarad iyo masuuliyiin kale .

Ugu horeyn madaxweynaha ayaa dhagax dhigay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo oo la dhisayo, maadama dhawaan ay dawladdu xaruntaasi iyo xarumo kale oo dawladeed ay ka saartay  dadweynihii ay gacanta ugu jireen.

Madaxweynaha ayaa sidookale dhagax dhigay Wasaaradda Ganacsiga , Wasaaradda Howlaha guud iyo gaadiidka, Wasaaradda Beeraha , Bankiga dhexe ee Dawladda iyo saldhigii hore ee booliska oo dib u habeyn lagu sameynayo.

‘’Aaad bay sharaf iigu tahay inaan dhagax dhigo xarumahaasi dawliga ah , weyna ku mahadsanyihiin gudigu shaqada wanaagssan ee ay qabteen ee ah baneynta guryaha dawladda ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey shacabkii sida wanaagsan u wareejiyey guryihii Dawladda ee ay kujireen , waxaana uu sheegay dhammaan xarumahaasi la baneeyey in loogu adeegayo shacabka Puntland.

Magaalada Gaalkacyo waxaa si habsami leh uga soconaya baneynta guryaha dawladda , qaabeynta iyo hagaajinta wadooyinka magaalada iyo sugida amaanka guud ee Gobalka Mudug ee Puntland.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

IMG_2463 IMG_2465 IMG_2471 IMG_2481 IMG_2485 IMG_2496 IMG_2509 IMG_2517 IMG_2518 IMG_2527 IMG_2530 IMG_2546 IMG_2552 IMG_2557 IMG_2562 IMG_2584

Listen Our daily News & programs

News Archive

August 2015
M T W T F S S
« Jul   Sep »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA