(SAWIRO)Dacwadii U Dhaxeysay Mareegta Radio Sahan iyo Wasaraadda Warfaafinta Oo dib uga Bilaabatay Maxkamada Garoowe

DSC01958

saakay abaarihii markay saacadu aheyd sagaalkii iyo barkii  subaxnimo ka furmay maxkamada derajada Koowaad ee gobalka Nugaal dacwad u dhaxeysa mareegta idaacadda Raadyo Sahan iyo Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland. Dacwadda oo mar labaad ka furantay maxkamada maanta, waxay mareegta ama websitka Radio ahan mataliyey qareen Siciid Axmed; waxaana dhanka Wasaaradda Warfaafinta mataliyey ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha Puntland mudane Maxamed Xareed.

Maxkamaddu waxay markii hore dhageysatay dacwadda uu soo oogay ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha dowladda mudane Maxaamed Xareed oo u muducayey dhanka Wasaaradda Warfaafinta. Ku-xigeenka Ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamed Xareed ayaa u sheegay garsoorka maxkamada gobalka Nugaal ee dacwadda xaakimka ah in mareegta Radio Sahan ay qortay waxyaabo lid ku ah dowladda Puntland; wuxuuna sheegay in ay mareegtu qortay dhaqaale xumo ka jirta Puntland awgeed ay dowladda dhigi kari weyday xafladii Kowda Agoosto loogu talagaay

Waxa kale oo uu ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha sheegay in mareegta lagu daabacay qarash badan oo ku baxo xafladaha Kowda Agoosto.

Qareenka mareegta idaacadda Radio Sahan Siciid Axmed oo ka warcelinaya dacwadda aan salka laheyn ayaa sheegay in dacwadda uu soo oogay ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha inay tahay mid lagu cabburinayo warbaahinta Puntland iyo qof weliba, sida uu qorayo dastuurka Puntland uu xaq u leeyahay inuu fikirkiisa soo bandhigo, islamarkaana qoraalka lagu soo qoray mareegta Radio Sahan in aysan ku qorneyn wax haba yaraatee lid ku ah dowladda Puntland

Qareen Siciid Axmed wuxuu ku dooday in dacwadani ay la midtahay aamusin iyo cabburin lagu hayo saxaafada. Maxaa qalad ah oo ku jira in la sheego dhaqaale xumo inay ka jirto Puntland? Iyo in faniin Soomaaliyeed laga keeno gobalada kale ee dalka? Ma wax la isku dacweeyo ayaa ka muuqda qoraalka? Waxaase muuqata inay tani noqon karto cabburin dadban.

Garsoorka maxkamadda wuxuu ugu danbeytii amray ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha maxkamada inuu soo gudbiyo wax cadeyn ah oo muujinaya inay mareegta Radio Sahan ku xadgudubtay dastuurka Puntland

Sida muuqata, mar labaad Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Boostada, Hiddaha I Dhaqanka inay ku guul daresatay soo bandhigida wax cadeyn ah oo ay ku saleyneyso dawcwadda ay ku soo oogtay mareegta Radio Sahan. Toddobaadkii hore waxay Wasaaradda Warfaafinta ku fashilantay soo gudbinta dacwadda; maanta lama iman madasha maxkamadda cadeymo oo ku muujineyso in Radio Sahan uu qoray wax lid ku ah dowladda.

DSC01938 DSC01939 DSC01940 DSC01941 DSC01944 DSC01946 DSC01947 DSC01949 DSC01952 DSC01953 DSC01958

Listen Our daily News & programs

News Archive

August 2015
M T W T F S S
« Jul   Sep »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA