SAWIRRO+WARBIXIN-Waxqabadkii Mu’asasada Dacwada iyo Horumarinta Alminhaaj.

Dhowaan waxaa lagu qabtay hoolka jaamacadda bariga Afrika xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay xafladaan ayaa ahayd mid maalmihii lasoo dhaafayba diyaar garow geeda lagadareemayay gudaha caasimada puntland Ee garowe waxaana Mu’asasada Alminhaaj ay ku soo bandhigatay wax qabadkeedii Sanadkii tagay .

Xafladdaan ayaa  kusoo beegmaysa shirweynihii 5aad ee Mu’asasada ALminhaaj ay ku kulmaan golayaasheeda kaladuwan sida

  • Golaha aas aasayaasha
  • Golaha Shuurada
  • Golaha Fulinta

Waxaana Xafladaan kasoo qaybgalay  Mas’uuliyiin Kasocotay Golayaasha Dowlada  Dowlada Puntlan waxaana Hogaaminayay Madax weyne Kuxigeenka Eng C/xakiim X Cumar Camay Wasiiro Xildhibaanno Culima Awdiin Ka Gobolka Isimada Dhaqanka Ganacsato  Siyaasiyiin Kaladuwan .

Waxaana Shirka kalimad Wacdi ah Kufuray Sh.Maxamud Xaaji Yuusuf Isagoo guud ahaan bulshadana ugu dardaarmay Alle Kacabdi Iyo In Bulshada lagaarsiiyo Khayrka  intaas kadib Maamulka Mu’asasada Alminhaaj ayaa goobta kusoo bandhigay Vedio Gatarjumaya wax qabadkii mudadii ay xilka hayeen Flimkaas oo Bulshadii daawatay ay ladhaceen waxqabadka baaxadaas le,eg Ee Mu’asasadu gaartay.

Iyadoo dhankakalana dhamaan mas uuliyiintii goobta kahadashay ay balan qaadeen in ay sidhow ula shaqaynayaan Mu’asasada Alminhaaj.

Cilimadii goobta kahadashay waxaa kamid ahaa

  • Sh Daahir Awcabdi Aw yuusuf
  • Maxamed Godane Xoosh
  • Gudoomiyaha Golaha Fulinta Jamaacada Al-Ictisaam Sh.Axmed Cabdi Samad

Waxayna dhamaan qireen In Maamulka hada talada haya ee Mu’asasada ALminhaaj Ay Gaareen Guulo Lataaban karo waxayna Bulshada Kuladardaarmeen in lagawada Shaqeeyo Dacwada Cid Gooni ah na aysan U oolin ee ay tahay wax lagarabo qofwalba Oo Muslim ah.

Waxaa isna goobjoog ahaa Xafladaan Maxamed Cali Ameeriko Waxana uu bulshada Tusaaleeyay hadii sidaas loo wada shaqeeyo waxaa lagaarayaa guulo waaweyn waxaana dhankiisa uu Al-Minhaaj Ku amaanay shaqadaan qiimahabadan ee Ay Bulshada U hayso

Mu’asasada Alminhaaj ayaa shahaadooyin Sharaf Gudoon siisay Dadkaladuwan Oo  ay kamid ahaayeen Shirkadaha Ganacsiga ,Culima Awdiin ka ,  Jamaacada Al-Ictisaam  , Ururada Ardayda ,Iyo Xubno kale ,

Intaas kadib waxaa Xaflada Soo Xiray Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland Eng C/xakiim X Cumar Camay waxaana uu siiyay Mu’asasada ALminhaaj Dardaaran Isagoo dhanka kalena sheegay In uu Isagu Hada Wixii Laga Bilaabo Uu kamid yahay Mu’asasada Al-minhaaj Awalna uu si dhow ula shaqayn jiray Mu’asasada Alminhaaj  waxaana uu ku amaanay Shaqada baaxada weyn ee ay soo bandhigeen Maantay  waxaana uu qiray Eng Camay In ay og yihiin Xukuumad ahaan Qaybta Muga leh ay kaga jiraan Bulshada ,

Nuur Jaamac Aadan

Xafiiska Warbaahin Mu’asasada Al-Minhaaj Puntland

 

118_7262-300x225 118_7273-300x225 118_7286-300x225 118_7287-300x225

 

Listen Our daily News & programs

News Archive

August 2015
M T W T F S S
« Jul   Sep »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA