Wasaaradda waxbarashada Puntland oo qabatay tababar ku saabsaan ayo-dhowrka tacliinta sare

Wasaaradda waxbarashada iyo tacliint sare ee dowladda Puntland ayaa shaqaalaha Jaamacaddaha Puntland ufurtay tababar ku saabsan tayo dhowrka waxbarashada tacliinta sare.

Tababarka oo socondoona muddo sadex bari ah ayaa waxaa ka qeyb galay furitaankiisa wasiirka  waxbarashada Puntland iyo madax ka socotay mashruuca waxbarashadu waa Iftiin ee uu ku yaboohay Midowga Yurub.

Agaasimaha tacliinta sare Puntland Cabdullaahi Cali Jaamac ayaa sheegay tababarkaan muhiimadiisu inay tahay kor uqaadida iyo ilaalinta tayada tacliinta sare Puntland.

Agaasimuhu wuxuu sheegay dadka loo qabtay tababarkaan inay ahaandoonaan mas’uuliyiinta hogaamindoona waaxda tayo-dhowrka jaamacadduhu leeyihiin.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada dowladda Puntland Dr. Maxamed Cali  Faarax ayaa sheegay tayo-dhowarka tacliinta sare inuu qeyb muhiim ah ka yahay horumarka jaamacaddaha iyo jiritaankooda

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland Dr. Abshir Aw-Yuusuf oo furay tababarkaan aaa sheegay inay kordhindoonaan tababarada caynkaan oo kale ee lagu xoojinayo tayada waxbarashada tacliinta sare Puntland.

Daawo Sawiradda.

1234567891011121314151617

 

Listen Our daily News & programs

News Archive

August 2015
M T W T F S S
« Jul   Sep »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA