Koobkii Kooxaha Heerka Kowaad ee Goblka Nugaal oo La Soo gabagabeeyey

Waxaa maalintii khamiista oo ay taariikhdu ku beegneyd 11kii Nofeembar la soo gabagabeeyey tartanka kooxaha heerka 1aad ee Gobalka Nugaal. Tartanka kooxaha heerka koowaad ee loogu tartamayo koobka loogu magacdaray madaxweynihii hore ee Puntland Cabdullaahi Yuusuf wuxuu soo bilowday 15/10/2015. Waxaa kooban ku tartamyey kooxo gaaraya ilaa sideed kooxood
Ugu danbayntii, waxaa ciyaartii kama danbeysta aheyd (finalka) isugu yimi labada kooxood ee kala ah Horseed iyo Doogsan. Ciyaartan dhex marty labada kooxood oo aheyd mid aad loo wada sugayey ayaa ku bilaabatay dardar xoogan oo ay labada kooxodba ku doonayeen inay gool ku dhaliyaan, si midba midka kale uga hor maro
Kabtanka kooxda Doogsan Maxamed Ceelow Yacquub Cisman ayaa majarraha u qabtay kooxdiisa, ka dib markuu u dhiibey mid ka mid ah ciyaartoyda kooxda Doogsan kubbad xooganayd, kaas oo la beegsaday goolka kooxda Horseed fursadna siin wayday goolhayaa kooxda Horseed inuu iska caabbiyo kubbada; dabadeedna, waxay ciyaarta noqoty gool iy waxba oo ay ku hoaaminayso kooxda Doogsan
Intii aysan dhammaan qaybtii hor ee cayaarta ayaa waxaa kooxdiisa u dhaliyey gool ay barbardhac kula noqotay kooxda Doogsan kabtan kooxda Horseed Yacquub Cismaan. Ciyaarta waxay markan isu beddeshay bar-bardhac (ama bareejo), taasoo noqotay hal gool oo ay leedahay kooxda Doogsan iyo hal gool oo ay leedahay kooxda Horseed.
Haddaba, barbarkay ka baxdaa waa bakeylo qalin. Qaybtii labaad ee ciyaarta markii la isugu soo laabtay weli ma jirin wax iska beddelay natiijadii ciyaarta; waxayna labada kooxood isla dhaafi waayeen hal gool iyo hal gool.
Ug danbayntiina, waxaa la isla aaday rigoorayaal (laadka xort ah); waxayna halkaas guushii kama danbeysta aheyd ku raacday kooxda ciidanka qalabka sida ee Horseed, oo uu tababbare Cabdulqaadir New saasna ku noqotay horyaalka gobolka Nugaal
Intaa ka dib waxaaaabaal marino la siiyey qayb cayaaryahaada iyadoo cayaryahankii ugu wanaagsanaa koobani la siiyey laacibka kooxda doogsan ee axmed khayr hala goolhayahana la siiyey mustafe khaalid oogoolka uqabta koxda saxansaxo. Sidoo kale waxaa shahaada sharaf la siiyey radio sahan oo wax badan ka qayb qaatay horumarinta cayaaraha

Cabdixamiid Cabdulqaadir
Radio Sahan, Puntland, Garoowe
Radiosahan2015@gmail.com

Listen Our daily News & programs

News Archive

November 2015
M T W T F S S
« Oct   Dec »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA