Ammaanka Muqdisho Oo Lagu Wareejiyey Maamulka Gobolka Banaadir.

Kadib kulan ballaaran oo ay qaateen laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir iyo dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa la go’aamiyey in ammaanka magaalada caasimadda ah lagu wareejiyo maamulka Gobolka Banaadir.

Taliyaha Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa warbaahinta u sheegay kulanka kadib in ammaanka magaalada Muqdisho wixii hadda ka dambeeya lagu wareejiyey maamulka gobolka Banaadir.

“Gobolka Banaadir waa inuu amniga masuul ka noqdaa, magaaladan amnigeeda cidna haku haleynine, caalamka sida amaanka sida amaanka loo sugo ayaa amaanka caasimada loo sugi doonaa” ayuu yiri Tuuryare.

General Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa sheegay in ciidanka NISA ay hadda wixii ka dambeeya kaliya caawin doonaan oo kaliya maamulka gobolka Banaadir, iyaga oo usii gudbaya deegaanada kale ee gobolada dalka sida uu hadalka u dhigay.

“Maamulka gobolka Banaadir annaga waan caawineynaa, waxii hadda ka dambeeya waxaa masuul amniga ka ah maamulka gobolka Banaadir, degmooyinka gobolka ayaana masuul ka ah amniga caasimada Soomaaliya”ayuu hadalkiisa kusii daray.

Listen Our daily News & programs

News Archive

February 2016
M T W T F S S
« Jan   Mar »
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA