Baarlamaanka oo maanta la horkeenayo hanaanka doorashada sanadkan 2016

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in la hor-keeno go’aankii doorashooyinka ee ay ku heshiiyeen Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada, iyadoo la filayo in Xildhibaanada ay dood dheer ka yeeshaan qodobada qaar.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa hortagaya Baarlamaanka, si uu ugu sharxo hanaanka doorashooyinka iyo qorshayaasha xukuumadiisa uga degsan, sidii looga gudbi lahaa marxalada hada lagu jiro.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa loo qeybinayaa heshiiska ay Muqdisho ku saxiixeen Madaxda madasha wada tashiga qaran 12-kii bishan April, iyadoo marka ay soo akhristaan dood gelin doona.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaanada laga yaabo inay wax ka bedel ku sameeyaan qodobada hanaanka doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa hor-dhigi doona Xildhibaanada Baarlamaanka qorshe muddo labo bil loogu kordhinayo waqtiga ay dhaceyso doorashada, iyadoo xilliga horay loogu balamay oo aheyd bisha September ay ka dib dhaceyso oo la gaarsiinayo bisha December ee dhamaadka sanadkan 2016.

Muddo kordhinta loo sameeyay doorashada ayaa loo arkaa mid Xildhibaanada Baarlamaanka ay galaan gal ugu sameyn karaan sidii ay mar kale dib u soo laabtaan, maadaama xilligii horay loo qorsheeyay oo ah bisha September ay ka harsan tahay afar bilood kaliya, isla markaana Baarlamaanka kalfadhigiisa u soo xirmayo bisha Agosto.

Listen Our daily News & programs

News Archive

April 2016
M T W T F S S
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA