(Dhageyso)C/raxmaan Faroole oo ku dhawaaqay inuu u taagan yahay musharaxa madaxweynaha 2016

Madaxwaynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magalada Garowe ayaa ka hadlay heshiiskii Puntland iyo DFS xalay wada gaareen kaasoo meesha ka saaray diid-madii Puntland ee hanaanka 4.5. wuxuu sheegay inuu ka xun yahay balse uusan waxba ka qaban karin.

faroole1

 

 

 

 

 

 

 

 

Farole ayaa cadeeyay inuu isagu ka taagan yahay nidaamkaasi go’aankii uu horay uga qaatay, wuxuu sheegay in 2012 gaar ahaan Garowe 2 heshiis laga gaaray 4.5 inaysan soo noqon, wuxuuna sheegay sidaasi darteedna uu maanta laga bilaabo yahay murashax madaxwaynaha 2016.

Dowladda Xasan Shiikh Maxamuud ayuu sheegay inaysan waddanka waxba ka qaban kuna fashilantey nidaamkii Federaalka ee lagu aaminey waa sida uu Farole sheegay, wuxuu sheegay madaxwaynaha Soomaaliya inuu dadaal ugu jiro sidii uu dib ugu soo laaban lahaa.

Cabdiraxmaan Farole, madaxwaynihii hore Puntland ayaa sheegay cid walba oo Soomaaliya meel wanaagsan gaar siinaysa uu gacan siinayo maadama uu waayo arag yahay, wuxuuna hadalkiisa raaciyay si looga baxo xaalada lagu jiro ay la qumanaatay inuu xilka madaxwaynaha isku sharaxo.

Hadalka Farole ayaa kusoo aadaya xilli si weyn loo hadal hayo heshiiska Puntland iyo Dowladda Federaalka.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

Listen Our daily News & programs

News Archive

April 2016
M T W T F S S
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA