Jaaliyada Puntland ee reer Sweden oo Deeq lacageed ku wareejisay Ciidanka Difaaca Puntland

Taliska ciidanka difaaca Puntland ayaa maanta Garowe kula wareegaya lacago ay soo direen jaaliyadda reer Puntland ee dalka Sweden, lacagtaas oo loogu talo galay in lagu dhiiri galiyo ciidamadii ku waxyeeloobay difaaca Puntland.

Lacagtaan oo cadadkeedu gaarayo $11,880, ayaa waxaa la wareegaya Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Puntland Gen. C/qaadir Shire Ereg oo uu usoo wakiishay taliyaha ciidanka difaaca Puntland General Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), waxaana taliye ku xigeenku qabanayaa shir jiraa’id uu lacagtaan kusoo bandhigayo.

Gen. Ereg  oo shirkaan ku qabanaya xarunta taliska qeybta gobolka Nugaal ayaa u mahad celindoona jaaliyadddaha Sweden iyo guud ahaan jaaliyadaha reer Puntland ee dalka dibadiisa, kuwaas oo door muhiim ka qaaday intii uu socday dagaalkii lagu jabiyay burcad diimeedkii Alshabaab ee duulaanka kusoo qaaday Puntland.

Dhawaan ayay ahayd markii sidaan oo kale jaaliyadda Puntland ee waqooyiga Denmark ay sidoo kale lacago usoo dirtay ciidanka difaaca Puntland iyo guddiga abaaraha Puntland.

Listen Our daily News & programs

News Archive

April 2016
M T W T F S S
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA