(Dhageyso)Gaas oo dhagax dhigay Cisbitaal Una dhoofay Muqdisho.

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehelinayaan Madaxweyne ku-xigeenka Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey iyo guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad  ayaa maanta 05 September, 2016 si wada jir ah u dhagax dhigay  dhisme cusub iyo sidoo kale barnaamij dib u dayactir loogu samayn doono cusbitalka guud ee magaalada Gaalkacyo.

DSC08874

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Munaasabadda dhagax dhigga ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirro, Xildhibaanno, maamulka Cusbitalka guud ee Gaalkacyo, guddiga dib u dhiska cusbitalka, saraakiisha ciidanka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladdda Puntland.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay maanta dhagax dhigayaan barnaamij dib loogu dhisayo cusbitalka guud ee magaalada Gaalkacyo isla markaana dib u dayactir loogu samayn doono qaybaha ka mid ah cusbitalka ee ka badbaadey weerarkii bahalnimo ee argagixisada Al-shabaab ay dhowaan la beegsadeen suuqqa xero dayax iyo xarunta dawladda Hoose  oo deris la ah cusbtilka guud ee degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsadata, qurbe joogta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo kan Puntland-ba in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga qayb qaataan dib u dhiska cusbitalka iyo dib  u dayactirkiisa.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa dhagax dhigga kaddib waxa uu u amba baxay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu uga qayb geli doono shirka Madasha wadatashiga Qaran oo noqonaya  shirkii ugu dambeeyey ee lagu dhammaystiri doono arrimaha la xiriira doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona bilaha soo socda.

halakan hoose ka dhageyso Codka.

Listen Our daily News & programs

News Archive

September 2016
M T W T F S S
« Aug   Oct »
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA