Dowlada Kenya oo xirtay Afar qof oo burndi ah

Afar ruux oo u dhalatay dalka Burundi ayaa lagu qabtay Subaxnimadii hore ee Talaadadii maanta  magaalada Marsabit oo ka tirsan Isiolo  dalka Kenya, waxaana la sheegay in raggan la qabtay damacsanaayeen in ay ku biiraan xarrakada Al-shabaab.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in raggan ay ka soo tageen magaalada Bujumbura ee dalka Kenya iyagoo iska dhigaya dalxiisayaal, iyaga oo doonayay marka danbe in ay ka sii gudbaan xadka magaalada Mandera una tallaabaan dhinaca Soomaaliya.

Afarta ruux ee la qabtay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay  Ntakarutimana Benerd, 41 jir ah, Niyongere Yusuf oo 32 jir ah, Nshimirimana Fulgnce Shadady 31 sano jir ah iyo Bizoza Abderauf oo isaguna 20 sano jir ah.

Saraakiisha Booliiska dalka Kenya ayaa sidan oo kale bishii June waxa ay ku qabteen shan dhalinyaro u dhalatay dalka Kenya waxaa lagu xirey isla deegaankan iyagoo doonaya inay ku biiraan ururka Alshabaab.

Al-shabaab ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin tiro badan oo Ajaanib ah kuwaa oo intooda badan ka soo jeeda qaarada Africa.

Listen Our daily News & programs

News Archive

September 2017
M T W T F S S
« Aug   Oct »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA