Shacabka Somaliland oo saaka u dareeray goobaha codbixinta.

Shacabka Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynihii shanaad tan iyo markii uu gobolkaasi ku dhawaaqay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, in ka badan shan iyo labaatan sanno ka hor.

_98722113_somaliladnd

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay rajaynayaan in codbixinta ay xoojin doonto kiiskooda ay ku baadigoobayaan aqoonsiga caalamiga ah.

Shaqo-la’aanta ayaa ka mid ah ah arrimaha muhiimka ah ee isha lagu hayo, iyadoo boqolkiiba todobaatan iyo shan dadka da’da yar aanay wax shaqo ah haysan.

Si looga hortago in doorashada lagu shubto ayaa waxaa markii ugu horreysay goobaha codbixinta lagu isticmaalayaa qalab aqoonsanaya indhaha codbixiyayaasha.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa waxa ay ku baaqeen in maalinta codbixinta la xayiro isticmaalka baraha bulshada si looga hortago in barahaasi lagu faafiyo warar been abuur ah.

Hargeysa.

Listen Our daily News & programs

News Archive

November 2017
M T W T F S S
« Oct    
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
Tacsiyo
CAYAARAHA